haatuf.net
Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare: Maslaxad Qaran Mise Murraadka Marwadda…?
April 22, 2015 - Written by Admin Two

“..Kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu kamid yahay Mansabyada Dastuuriga ah ee dalka ugu sareeya, order Dawladdii Cigaal ilaa tii Rayaale-na waxa saami-qaybsi u lahaa Beellaha Bariga (Harti), anesthetist markaa kursigaasi waa Kursi Harti hadii dib loogu soo celinayo iyo hadii kaleba”. Sidaasi waxa igula doodday mid kamida Dadka Siyaasadda falan-qeeya ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa.

Waxaanu  intaas raaciyey “Madaxweynuhu haduu cid kale la doonayo, there Golleyaasha Baarlamanka ayay u taallaa inay saxaan Khaladka saami-qaybsiga ku jira”ayuu tilmaamay siyaasigan si dheeran u cadeeyey in Beellaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ku dul-manyihiin qaab-dhismeedka Dawliga ah.

Waa xaqiiqo jirta oo aan daah la saari Karin, labadan qodob ee uu Sharaxay Muwaadinkan Falanqeeya Siyaasadda dalku, waana darreen ka dhashay isku-dheeli-tir la’aanta ka muuqata Haykalka Dawladnimada Somaliland.

Hase ahaatee Loollanka loogu jiro maalmahan buuxinta Kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, “hadii ay soo jeedinta xil ka qaadistiisa Guddoomiyihii hore ee uu Madaxweynuhu Digreetada ku soo saaray  meel-marto’e” wuxuu iftiiminayaa qorsheyaal isbar-bar socda oo ay qaarkood Jagadan uga faa’idaysanayaan dano siyaasaddeed oo lagu raali gelinayo Ashkhaas gaar ah ama Koox aan lala miisaami Karin qadiyada xubnaha ka soo jeeda Deegaanada Bariga Somaliland ee Xilkaa Olollaha ugu jira.

Haddaba, Inkasta oo dhaqdhaqaaqyada ku wajahan buuxinta jagadani dhamaantood u muuqdaan kuwo hunguri kaga jiro xaajo wali geed ku laallan oo aan lahayn Mustawe lagu kala riixdo ama loogu babac dhigo Loollankeeda, hadana Illo=wareedyo aad ugu dhuun dalloola xogaha Madaxtooyada iyo hirdanka ka taagan arrinta qabyada ah, ayaa  waxay shaaca ka qaadayaan inay xubno kamida Kooxaha saameynta ku leh talada Madaxweynuhu Dhabarka ku sitaan ashkhaas  damac kaga jiro in loo magacaabo Kursigaasi hadii uu go’aanka Madaxweynaha ku bannaanaado.

Sida ay tibaaxayaan xoggo isa soo taraya oo aan wali si rasmiya u soo shaac-bixin, balse hadana aad loogu hadal hayo goobaha siyaasadda lagu rog-rogo, waxa kamida  Xubnaha Qasriga Madaxtooyada looga salaxayo buuxinta Xilkan, Garyaqaan  Aadan Xaaji Cali oo Bare sare ka ah Jaamacadaha dalka, kaasoo ay Marwada Madaxweynuhu Ololle ugu jirto magacaabistiisa, marka dhinac laga eego siday ugu dhegsantahayna loo turjuman karo inay waddo hindise siyaasaddeed oo qayb ka ahaa sababta xil ka qaadista Guddoomiyaha Kursiga sii jooga ee Kalsoonida Madaxweynaha lumiyey.

Marwo Aamina Maxamed Jirde (Aamina-waris), ayaa la sheegay inay u calmatay masuulkan bedelaya Yuusuf Ismaaciil Cali, Sharci yaqaan Aadan X. Cali oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil. Marwadu waxa kale oo la xusay inay ka waji dadbayso uga yimaada Sharci yaqaanada ka soo jeeda Gobolka Sool oo aad  moodo dhankooda inay ku mitidayaan sidii ay Kursigan ugu soo celin lahaayeen gacanta Deegaamaddooda. Waxaana Ragga Loollanka ugu adag kula jira qorshaha Marwada kamida Xildhibaa/ Garyaqaan  Maxamed Jaamac Axmed oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada, muddo labaatan sanno ku dhaw-na ku dhex jiray hay’addaha Garsoorka ee dalka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inay Bahda Garsoorka iyo Indheer-garadka Gobollada uu ka soo jeedaa  aad ugu Dhiiri-gelinayaan inuu xilkaas qabto, wallow aanu ilaa hada inta la ogyahay aanu iska casilin Kursiga Wakiillada ama aanu shaacin inuu ka tanaasulayo mansabkiisa hore inta aanu tartanka gelin.

labadan xubnood ee ay Midkooda Marwada Madaxweynuhu howshiisa Maamulayso iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo  sida xogta aanu ku helnay Taageerada Garsoorka ka sekow,dhinaca Goleyaasha Baarlamanka ka heysta kalsooni sida muuqata badhi-taar u noqon karta hankiisa Guddoomiyenimo, sidoo kalena ugu cad cad daneeyayaasha iminka safka hore ugu jira qabashada Kursigaas, ayaa waxa jira qorshe saddexaad oo bar-bar socda Loollankooda, kaasoo ay Mudaneyaasha labada Golle aqlabiyadoodu ugu gogol-xaadhayaan Xil ka qaadista Guddoomiyaha hore iyo Ansixinta Masuulka cusub.

Mudaneyaasha labada Golle ee  baarlamanka ayaa iyagu waxay ka simanyihiin aragtida ah in Guddoomiyaha Maxkamadda sare loo magacaabo Sharci yaqaan ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, sidaas darteed waxay aqlabiyada Mudaneyaashu u ololeynayaan inay Madaxtooyada cadaadis ku saaraan in Saami-qaybsi lagu saleeyo  buuxinta Jagada Guddoomiyaha Maxkamadda sare. Mudaneyaasha qaar ayaa la sheegay inay hor dhigayaan Madaxweynaha hindisaha Kursigaas Maxkamadda sare  lagu magacaabo ee ay wataan.

Waxay u bandhigayaan Madaxweynaha in baahi weyn  loo qabo xilligan in lagu dheeli-tiro Saami-qaybsiga Hay’addaha ugu sareeya Qaranka, waafaqsan Dastuurka, iyagoo ka duulaya tabashada Siyaasaddeed ee Beellaha Gobollada Bari, kana soo horjeeda in Siyaasad khaasa looga faa’idaysto Buuxinta Kursigan. “hadii Waaxda fulintu cadaaladda ku dhaqmi waydo, waxa muhiim ah inay Labada golle ka fiirsadaan arrintan oo ay cadaaladda waafajiyaan”sidaas-na waxa  yidhi Xildhibaan ka tirsan Gollaha Guurtida oo Mowduucan aragti ka dhiibtay.

Dhinaca kale marka si guud loogu kuur-galo dareenka ku saabsan buuxinta Guddoomiyaha Maxkamadda sare  ee Indheer-garadka iyo Dadka falanqeeya Siyaasadda, waxa aad loo taageersanyahay in Kursigaas lagu celiyo Deegaamadii Saami ahaan la siin jiray oo ay tabashadoodu tobankii sannadood ee  u dambeeyay saameyn ku yeellatay Degenaanshiyaha iyo Midnimada Qaranka.

“Anigu waxaan ku talin lahaa inay Baarlamanku ku celiyaan madaxweynaha haddii uu magacaabo Shakhsi ka soo jeeda Gobollada dhexe “. Ayuu yidhi Jaamac Cabdi oo kamida Aqoonyahanka reer Somaliland, aadna ugu dhuun daloolla dhaqdhaqaaqa hardanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare . “ si kastaba haku dambeysee, waxaad moodaa in Baarlamanku kala doorransiinayaan Madaxweynaha laba daran midkood.

“Waxaanay mudaneyaasha qaar rabaan  Inay ku diiddaan madaxweynaha Xil ka qaadista Guddoomiyihii hore hadii uu Cadaalad ku salayn waayo magacaabista” ayuu raaciyey dooddiisa aqoonyahan Jaamac.

Haddaba, marka arrimahan lasku soo wada uruuriyo, ka fursan mayso in Madaxweyne Siilaanyo aad uga baaraan dego Doorashada qofka uu u magacaabayo Xilkan Dastuuriga ah, isagoo u eegaya Maslaxada guud ee Qaranka iyo hagaajinta Nidaamka garsoorka iyo Cadaalada dalka, si ay meesha uga baxaan cabashooyinka Guud ee Dawladda laga tirsanayo iyo Gol-daloollooyinka Hay’adaha Garsoorka lagu dhaliilo.

Laakiinse hadii uu madaxweynuhu indhaha ka lalliyo xaqiiqda hortiisa taalla ee uu hore u xaqirayey, isla markaana aanu fursad uga faa’idaysan Siyaasad ka baxsan Bulshada Gobollada dhexe oo uu ku soo dhaweynayo Beellaha Gobollada bari ee uu hal-doorkooda intiisii badnayd ku maqanyahay tabashooyinka ku qotoma Saami-qaybsiga guud ee Kuraasta Dawladda, waxay taasi  madmadow gelinaysaa Balanqaadyo hore iyo baaqyo Siyaasaddeed oo ay Xukuumaddu u dirtay Bulshada ku dhaqan Gobollada Sool iyo Buuhoodle, oo aad u qawadsan Xilalka laga siiyey Hay’addaha Dastuuriga ah ee Qaranka, lagana qaaday dhowr Kursi oo ay Dawladdii Cigaal u gaar yeeshay,kana mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee iminka banaan.suldaan

W/Q: Saleeban Abdi Ali (Kalshaale)

Gobanimonews Hargeysa

Email: curad1986@hotmail.com

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS