haatuf.net
Dawladda Somaliland Oo La Saaray Culays Caalami Ah Si Ay Xasbiga Uga Sii Dayso Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka
April 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, anabolics April 22, symptoms 2015 (Haatuf) – Waxa isa soo taraya culayska xukuumadda Somaliland kaga imanaya beesha caalamka si ay xabsiga uga sii dayso guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, iyada oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyey ay madaxtooyadda Somaliland ay arrintan kala soo xidhiidheen dawlado ka tirsan Midawga Yurub iyo Maraykanku.

Mr Guuleed Axmed Jaamac ayaa waxay ciidanka Bilaysku xabsiga u taxaabeen Sabtidii dhawayd, iyadoo lagu soo eedeeyey inuu ku tiraabay erayo meel-ka-dhac iyo dhaleecayn ku ah Maxkamaddaha dalka mar uu ka qaybgalay dood  ay todobaadkii hore qabatay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo lagaga hadlayey rag loo haystay falal dil ah oo dhawaan lagu qisaasay Mandheera.

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Somaliland Guuleed ayaa markii ay doodaasi socotay dhaliilo usoo jiidayey qaabka ay u shaqeeyaan Maxkamadaha dalku, waxaanu ku talo-bixiyey in lagu sameeyo dibu-hagaajin (reform).

Dawladdaha ka sakow waxa xadhiga Mr Guuleed si adag uga hadlay ururadda u dooda xuquuqda aadamaha oo iskugu jira qaar heer gobol ah iyo kuwa caalami ahba, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalladda kulmisa ururadda xuquuqal-iinsaanka ee dalalka barriga iyo geeska Afrika ee East and Horn of Africa Human Rights Defenders oo marka magaceeda lasoo gaabiyo la yidhaahdo (EHAHRD), Human Rights Watch iyo Frontline Defenders, kuwaas oo dhamaantood ku baaqay in Guuleed Axmed Jaamac  degdeg xoriyadiisa si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo.

Dhinaca kale ilo diblomaasiyadeed oo aanu arrintan wax ka waydiinay ayaa noo sheegey in xadhigaasi uu si gaar ah u saameeyey mid ka mid ah dawladihii arrintan xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhay ka dib markii ay dawladaasi xog ku heshay in Madaxtooyadda Somaliland ay ka cadhootay kulan dhawaan Hargeysa ku dhexmaray Mr Guuleed iyo Diblomaasi ka socday dawladaasi oo dalka booqasho ku joogay.

Xadhiga Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-Iinsaanka Guuleed Axmed oo lagu xusay warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa dhinaca Somalilland waxa kaliya oo ka cambaareeyey, kuna baaqay in degdeg xabsiga looga sii daayo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Somaliland

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS