haatuf.net
Wakiiladda Beesha Caalamka U Fadhiya Nairobi Oo Isla-meel-dhigay Talaabooyinka Ay Ka Qaadi doonaan Shaqsiyaadka Carqaladeeya Doorashadda Somaliland
April 23, 2015 - Written by Admin Two

Nairobi, herbal April 23, 2015 (Haatuf) – Wakiiladda beesha caalamka u fadhiya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa isla meel-dhigay nooca ay noqon doonto talaabooyinka ay ka qaadi doonaan masuuliyiinta dawladda Somaliland ee isku daya inay carqaladeeyaan geedi-socodka doorashadda madaxtinimadda dalka ee muranku ka taagan yahay xiliga ay qabsoomayso.

Siday ilo-diblomaasiyadeed oo arrintan u dhuundaloolaa ay xalay Haatuf uga warameen wakiiladda dawladaha deeqda bixiya iyo masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ayaa kulamo ay dhawaan ku yeesheen Nairobi waxay isla-qaateen in cunaqabayn iyo xayiraad lagu soo rogo cidkasta oo ay ku cadaato inay caqabo hordhigeen hawlaha doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga hadlay dadka la tuhunsan yahay ama loo badaniyo inay ka soo horjeedaan doorashadda, waxaana ka mid ah liiska shaqsiyaadka dhaqdhaqaaqyadooda indhaha lagu hayo wiilka uu Madaxwayne Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil, Marwada 1-aad ee dalka Aamina Maxamuud Jirda (Aamina Waris), Wasiiradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Arrimaha Gudaha Cali Warancade, Taliyaha Bilayska C/laahi Fadal, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo saddex xildhibaan oo la sheegay in Madaxtooyadu siiso qandaraasyo ay ku naas-nuujinayso, kuwaas oo kala ah Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexaan), Xildhibaan  Cabdicasiis Ina Dhul-cun iyo Xildhibaan Ibraahim Caraale Cabdi (Ruush).

Ilaha aanu warkan ka helnay oo ka cudur-daartay in magacooda la shaaciyo maadaama aanay fasax u haysanin inay arrintan ka hadlaan ayaa waxay intaas ku dareen in durtaba ay jiraan hawlo baadhitaan iyo daba-gal ah oo ku socda shaqsiyaadkaasi, taas oo ujeedadeedu tahay sidii loo ogaan lahaa hantida iyo xisaabaha ay masuuliyiintaasi ku leeyihiin dalka dibadiisa, baasaboorada ay ku dhoofaan iyo haddii ay jiraan cashuuro ku waajibay oo lagaga leeyahay wadamadda ay Jinsiyadahooda sitaan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS