haatuf.net
Doorka Uu Xeer Ilaaliyaha Guud Ku Leeyahay Xadhiga Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal-Iinsaanka Oo Lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Hay’addo U Dooda Xuquuqda Aadamaha Iyo Safaaradda Uk Ee Nairobi
April 23, 2015 - Written by Admin Two

Nairobi, generic April 23, ailment 2015 (Haatuf) –  Kulan mudo imika dhawr cisho laga joogo Nairobi ku dhexmaray hay’ado u dooda xuquuqda aadamaha iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradda UK ayaa waxa lagu soo hadal qaaday doorka uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed Adan ku leeyahay xadhiga guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac oo ay Bilaysku xabsiga u taxaabeen sabtidii dhawayd.

Ujeedada kulankaasi oo ahayd sidii looga wada hadli-lahaa arrinta xadhiga Guuleed iyo waxa laga qabanayo ayaa waxa soo shaac-baxday in xeer ilaaliyaha guud yahay qofka soo maleegay  kuna dhaggan xadhigaasi..

Ilo-xogogaal ah oo aanu ku kalsoonahay oo ka waramay dhacdadan ayaa waxay noo sheegeen in ka qaybgalayaashii kulankaasi markii ay arrintaasi dhinac walba ka gorfeeyeen waxa u cadaatay in xeer ilaaliyaha guud sharcigii si indho-la’aan oo dhago-la’aan ah ugu gafay  oo aanu haba-yaraatee haysanin wax daliil ah oo Guuleed ilaa hadda kusii xidhnaado, ampoule balse uu habdhaqanka xeer ilaaliyuhu ula muuqdo mid ujeedo shaqsi ahi ka danbayso.

Qaybtii danbe ee kulankaasi ayaa waxay dadkii kasoo qaybgalay wax iska waydiiyeen shaqsiyada iyo aqoonta Xasan, iyadoo mid ka mid ah hawl-wadeenada hay’adaha xuquuqda aadamuhu sheegtay inuu leeyahay Documents UK oo uu waliba ka mid ahaa qareeno ka socday dalalka barwaaqo sooranka oo ay dawladda Ingiriisku ku casuuntay inay ka qaybgalaan munaasibad dhawaan lagu qabtay London oo lagu xusayey sanad guuradii 800-aad ee kasoo wareegtay markii ay Ingiriisku samaysteen (1215) Xeerka caanka ah ee la yidhaahdo Magna-carta, kaas oo markii ugu horaysay lagu kala-xadeeyey awooda Boqortooyada iyo xuquuqda dadwaynaha.

Haddaba ka qaybgalayaashii kulanka Nairobi ee lagaga hadlayey xadhiga Guuleed ayaa waxay aad uga xumaadeen isla markaana layaab ku noqotay in xeer ilaaliyaha Somaliland ee dhawaan kasoo noqday xuskii Magna-carta isla markaana fursada u helay inuu boqorada Ingiriiska soo salaamo uu haddana sidan foosha xun ugu xad-gudbo sharciga dalkan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS