haatuf.net
Hay’adda Human Rights Watch oo xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay guddoomiyaha xarunta xuquuqal-Iinsaanka usoo celiso xoriyadiisa
April 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ambulance April 23, pills 2015 (Haatuf) – Hay adda caalamiga ah ee Human Rights Watch ee u dooda xuquuqda aadamaha ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay si degdeg ah xabsiga uga sii dayso guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac.

Hayaddan oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka balse xarumo ku leh dalal badan oo aduunka ka mid ah ayaa shalay soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayso guuleed, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Haatuf ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Maamulka Somaliland ayaa 18-kii Abriil 2015, xiray ololeeye caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha,  ka dib markii uu dhaliilay habka ay dacwadaha u qaadaan maxkamadaha Somaliland, waxaa maanta sidaas sheegtay Human Rights Watch. Booliska ayaa xiray Guuleed Axmed Jaamac kaddib markii uu ka hadlay idaacad a BBC, Dilkaasoo ahaa kii ugu horreeyay ee Soomaaliland ka dhaca ku dhawaad mudo toban sano ah. Maamulku waa inuu si degdeg ah usii daayaa, meeshana uga saaraa eedeymaha ka dhanka ah Guleid.

Guuleed waa 29 sano jir qareen ah, isla markaana gudoomiye u ah Xarunta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliland, oo ka mid ah hay’adaha tirada yar ee madaxa bannaan ee u dooda xuquuqda aadanaha. Waxaa lagu eedeeyay  dambiyo ay ku jiraan“qaran-diida ”, xarunta xuquuqal insaanka oo sharci haysan iyo dembiyo kale, waxa uuna muteysan karaa lix sano ama ka badan oo xabsi ah. Booliska ayaa markii hore ku hayay meel gooni ah, waxayna qoyskiisa u diideen inay xiriir la sameeyaan.

“Ma ahan in ololeeyayaasha xuquuqda aadanaha ay wajahaan maxkamadayn hadii ay muujiyaan cabashooyinkooda,” waxaa sidaa tiri Leslie Lefkow, ku xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch. “Maalin kasta oo uu maamulka xabsiga ku sii hayo Guuleed, waxa ay ka dhigantahay maalin kale oo dib u dhac uu ku yimid xaalada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliland.”

Eedeymaha dembiyeed ee ka dhanka ah Guuleed ayaa xadgudub ku ah xaqa uu u leeyahay xoriyadda hadalka, waxaana ay u muuqdaan kuwo loogu cagajugleynayo, laguna aamusinayo dadka dhaliilsan dowladda, waxaa sidaas sheegtay Human Rights Watch.
Booliska ayaa subixii 18-ka Abriil amar kasoo baxay gudoomiyaha maxkamadda gobolka ku xiray Guuleed, xilligaas oo uu maxkamadda heer gobol ee Hargeysa ku matalayay macaamiil. Booliska ayaa markii hore geeyay xarunta laanta dembi baarista, kaddibna u gudbiyay saldhiga dhexe ee booliska Hargeysa.
Xariga Guuleed ayaa yimid laba maalmood kaddib markii uu wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, kaasoo uu kaga hadlay xukunkii dilka ahaa ee ay 13-kii Abriil dowladda ku fulisay lix nin oo lagu helay inay dil geysteen. Guuleed ayaa su’aal-galiyay hannaanka maxkamadeed ee loo maro xukunnada dilka ah, gaar ahaan kuwa ay rido maxkamadda militariga. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in isbedel lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan maxkamadaha, booliska iyo sharci dejinta. Xaakimka amray xariga Guuleed ayaa su’aalo ka weydiiyay wareysiga uu siiyay BBC-da, waxaa sidaasi Human Rights Watch u sheegay qof u dhow Guuleed.
Xukunkan dilka ah ayaa ah kii ugu horreeyay ee Soomaaliland ka dhaca tan iyo 2006-dii. Human Rights Watch ayaa gebi ahaanba kasoo horjeeda xukunka dilka ah xaalad kasta oo jirtaba, maadaama uu xambaarsanyahay ciqaab naxariis daro ah oo aan lasoo celin karin marka la fuliyo.

19-kii Abriil, xeer ilaaliyaha dowladda ayaa racfaan ka qaatay amar kasoo baxay maxkamadda heer gobol ee Hargeysa, kaasoo ahaa in Guuleed lagu sii daayo dammaanad. Xeer ilaaliyaha ayaa warqad uu u qoray maxkamadda racfaanka ee heer gobol ku sheegay in Guuleed uu galay dembiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dacaayadqaran-diid ah”, kicin shacab, iyo faafinta macluumaad aan run ahayn. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Guuleed inuu maamulayay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha oo aan diiwaangashaneyn, inkasta oo diiwaangelinta Xarunta Xuquuqda Aadanaha la cusbooneysiiyay 1-dii Janaayo. Maxkamadda racfaanka ayaa hakisay amarka siideynta ee kasoo baxay maxkamada hoose.
20-kii Abriil, Guuleed ayaa la horkeenay maxkamadda heer gobol, taasoo amartay in xabsiga dhexe ee Hargeysa lagu hayo todobo maalmood oo dheeraad ah. Qareennada Guuleed ayay u suuragashay inay halkaa kula kulmaan. 20-kii Abriil warqada eedeymaha ayaa cadeyn ahaan waxaa ugu qornaa wareysiga laanta afka Soomaaliga ee BBC-da uu siiyay iyo warbixin sanadeedka ay Xarunta Xuquuqda Aadanaha faafisay bishii Disembar 2014-ka.
Ururada madaxa bannaan ee u dooda xuquuqda aadanaha Soomaaliland ayaa marar hore caqabado kala kulmay maamulka. Sanadkii 2007-dii oo ay jirtay dowladdii tan ka horeysay, ayaa waxaa burburay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabi jiray Shabakadda Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliland (Somaliland Human Rights Organization Network), kaddib markii uu khilaaf ay dowladda ku lug lahayd soo kala dhexgalay hogaanka hay’addaasi.

Mudo sanado ah, Soomaaliland kama jirin urur u dooda xuquuqda aadanaha. Xarunta Xuquuqda Aadanaha ayaa la sameeyay sanadkii 2012-ka. Dowladda hadda jirta ayaa xirtay weriyayaal, gaar ahaan kuwa ka warrama musuq-maasuqa, ama horumarka deegaannada lagu muransan yahay sida Sool iyo Sanaag, waxaana ay u cagajugleysay shaqaalaha wargeysyada caanka ah. 21-kii Abriil, 2015, gudiga qaran ee doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in doorashada ay dhici doonto bisha Juun ee 2016-ka.
Sanadkii 1998-dii, kulanka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Qaraarka Qaramada Midoobay ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, kasoo sheegaya in shakhsiyaadka iyo ururada ay xaq u leeyihiin “hormarinta iyo ku dadaalida difaaca iyo xaqiijinta xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha asaasiga ah.”

“Dowladda Somaliland waa inay xaqiijisaa fursad siinta dadka dhaliilsan, iyo in si shaac baxsan looga doodo arrimaha bulshada khuseeya, gaar ahaan xilligan ay doorashada soo dhowdahay.” Waxaa sidaa tiri Lefkow. “Maamulka waa inuu aqoonsadaa in ururada sida Xarunta Xuquuqda Aadanaha, ay yihiin hanti ay leedahay Soomaaliland, oo aanay khatar ku ahayn.” Sidaa ayay hadalkedii ku soo gabagabaysay.

Haddii aad dooneyso warbixino dheeraad ah oo ay Human Rights Watch ka qortay Soomaaliya, Fadlan Booqo:
http://www.hrw.org/africa/somalia
Wixii faahfaahin ah oo dheeraad ah, fadlan kala xiriir :
Gudaha Nairobi, Laetitia Bader oo ku hadasha (Ingiriis, iyo Af Faransiis): +254-700-241-854; ama baderl@hrw.org. Ka raac barta Twitter-ka ee @LaetitiaBader

Gudaha Amsterdam, Leslie Lefkow oo ku hadasha (Ingiriis): +31-6-21-59-7356 (taleefanka gacanta); ama lefkowl@hrw.org.. Ka raac barta Twitter-ka ee @LefkowHRW
Gudaha Washington, DC, Maria Burnett oo ku hadasha (Ingiriis): +1-917-379-1696 (taleefanka gacanta); ama burnetm@hrw.org. Ka raac barta Twitter-ka ee @MariaHRWAfrica”.
 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS