haatuf.net
Wasiirka Maaliyadda Iyo Walaalkeed Oo Kooxo Ku Soo Abaabulay Wargeyska Ogaal
April 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, April 25, 2015 (Haatuf) – Wargeyska Ogaal oo ka mid ah wargeysyadda ugu da’da wayn Somaliland ayaa waajahay  haddidaad iyo hanjabaad kaga imanaysa kooxo u muuqda qaar la soo abaabulay oo ka soo jeeda wasiirka maaliyadda iyo walaalkeed.

Cadadkii khamiistii todobaadkii hore ayaa wargeyska Ogaal faafiyay war ku saabsanaa qandaraas mashruuca timirta ramadaanta ah oo wasiir Samsam siisay walaalkeed. Warkaas oo Ogaal ka soo xigtay Haatuf faafintiisii kadib waxa wargeyska Ogaal la soo xidhiidhay xubno doonya qaad u ah oo ku hanjabay inay waxyeelaynayaan wargeyska. “madaxdayadii baad noo dhaaftay, siddaad wax uga qortaa Samsam iyo Xaaji, dagaalku wuu balaadhan yahay, haddii aad website ka saari waydo warkaa waxaad ka heshaad leedahay eeyahow, eygu dhalay, waanu burburinaynaa Ogaal” sidaa waxa ku yidhi gudoomiyaha wargeyska Ogaal mid ka mid ah kooxahaa oo telefoonka kula soo xidhiidhay.

Farriimo qoraal ah ayaa iyana lagu soo diray telefoonka gacanta ee gudoomiyaha, kuwaasoo xambaarsan hanjabaado la mid ah kuwaa. “hanjabaad kasta oo noocan oo kale ahi waxba kama bedeli doonto faafinta runta ee wargeyska Ogaal. Marwo Samsam waa wasiir haysa xil umaddeed, wixii jirana masuuliyadda ay hayso waa laga sheegayaa, walaalkeedna hadduu  danta guud si leexsan u soo galo waa la sheegayaa. Fariimahana waxaanu u aqoonsanay jawaab ka timi dhinacooda.” Sidaa waxa kaga jawaabay falalkaa guddoomiyaha wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir.

Hababka noocan oo kale ah ee tahdiida iyo caga juglaynta ahi waxay qayb ka yihiin xeeladaha xukuumadda Siilaanyo kula dagaalanto xorriyadda saxaafadda.Source:Ogaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS