haatuf.net
C/Raxmaan Cirro Ha Is-Cadeeyo; Haatuf Staff Writer
April 25, 2015 - Written by Admin Two

Waxa 24-kii  saacadood ee u danbeeyey bulshadda dhex-mushaaxayey war sheegaya Guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) inuu dalka Turkiga kula kumay Madaxwaynaha dawladda Xamar, capsule isla markaana halkaas kaga wada-hadleen Nidaamka Federaalka (Federal) ee dawlado Turkigu ka mid yahay ay doonayaan inay Somaliland ku hoos-geeyaan Somalia.

Inkastoo xisbiga Waddani beeniyey jiritaanka warkaasi haddana qaabka uu uga hadlay ma ahayn mid waafi ah oo u dhigma culayska uu leeyahay warkaas ka dhanka ah Cirro. Run ahaantii guddoomiye Cirro waa nin maanta haya masuuliyad-qaran oo balaadhan oo mar waa guddoomiyaha aqalka wakiiladda, doctor marna waa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah Waddani, loogamana baahna mulukh-mulukh iyo socdaalo dibadeed oo aanay xisbigiisa iyo taageerayaashiisu wax ka ogayn.

Mucaaridnimadu maaha intay meel walba kula gasho ay qaranimada dalka hagar-daamayso. Tusaale ahaan haddii ay dawladda Turkigu dabaal-dega maalinteeda qaran ay ku marti-qaadeen guddoomiyaha waxay ahayd markuu ogaaday in isla-munaasibadaasi lagu casuumay Xasan Sheekh, halka madaxwaynaha Somaliland aan lagu marti-qaadin inuu markaas ka cudur-daarto ka qaybgalkeeda, isagoo u cuskanaya curfiga baratagoolka ee ay Turkigu ku gafeen, markay guddoomiyihii baarlamaankana casuumeen, guddoomiyihii xukuumadda oo ahna madaxwaynaha dalka ka tageen isla markaana madaxwaynihii Somalia isna goobtaasi ku marti-qaadeen.

Markay arrimo dibadeed tahay mucaarid iyo muxaafidba waxa ina-matala kolba xukuumadda jirta, kalsooniday doonto bulshadda Somaliland ha ka haysatee.

Waxa iyaguna arrintan sii dhabqiyey masuuliyiinta Waddani ee sheegay in guddoomiyahoodu uu Turkiga u tagay arrin caafimaad oo la xidhiidha ilkihiisa, taas oo dadka ka dhex-abuurtay muran xoog leh iyo in lays-waydiiyo goorta uu Turkigu gaadhay heerka uu ka dhakhaatiir wanaagsan yahay kuwa dalka Finland ee uu Cirro degan yahay, kuwaas oo xaga adeegyada caafimaadka Turkiga iska daayoo kaga fiican dhakhaatiirta dalal badan oo ka tirsan Yurubta galbeed.

Sidaas darteed C/raxmaan oo ah hogaamiye isaga iyo xisbigiisaba loo han-waynyahay waxa looga fadhiyaa inuu is-cadeeyo oo uu dadka shakiga arrintani ku abuurtay si degdeg ah uga saarro.

Sidoo kale guddoomiyaha Waddani Mr Cirro waxa la gudboon inuu xisbigiisa ka ilaaliyo qaadashada muwaaqiifta aan dadku u bogin, sidii dhacday fadhigii golaha wakiiladda ee maanta iyadoo tiro badan oo ka mid ah xildhibaanada taageera xisbigiisa Waddani ka codeeyeen ama ka aamuseen mooshinkii xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sarre Yuusuf Ismaaciil Cali, kaas oo mudadii uu xilka soo hayey aan la gaban-jirin musuqmaasuqa iyo cadaalad-darada uu ku dhaqmo isla markaana erigiisii la odhankaro waxay ahayd talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday oo bulshadu u wada riyaaqday.

Ciro111

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS