haatuf.net
Maraykanka Oo Taageeradii Kala Noqday Geedi-Socadka Doorashooyinka Somaliland Iyo Mooshinka Liiska Cunaqabataynta Ee Uu Horgeynayo Golaha Ammaanka
May 17, 2015 - Written by Admin Two

Washington, sickness May 17, medstore 2015 (Haatuf) –  Dawladda Maraykanka ayaa taageeradii ay siinjireen kala noqday geedi-socodka doorashada Somaliland ka dib markii ay Golaha Guurtidu 22 bilood u kordhiyeen mudo-xileedka Madaxweyne Siiraanyo  Todobaadki hore.

Siday ilo diblomaasiyadeed oo heerkoodu sareeyaa Haatuf u sheegeen maamulka madaxweyne Obama aya ku talojira in uu dhawaan Golaha Ammaanka soo hordhigo mooshiin xayiraad iyo cunaqabateyn lagu saarayo shakhsiyaadka ugu dhawdhaw madaxweyn Siiraanyo ee u ololeynaya taageerada mudo-kordhinti 22 bilood aheyd ee Guurtidu dhawaan u sameysay xukuumadda kuwaas oo uu wargeyska Haatuf  soo bandhigay magacyadooda 2 todobaad ka hor.

Dawladaha Midowga Yuurub aya isku dayaya inay waanwaan ka galaan arinta muddo-kordhinta khilaafka xooggani ka taaganyahay ka hor intaan mooshanka Maraykanka oo haysta taageerada dalka Britian la http://musicandmemory.org/generic-viagra horgeynin Golaaha Amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa.

Siday ilahaasi diblomaasiyadeed Haatuf u tibaaxeen mawqifka ay dawladaha Midowga Yurub ka qaadan doonaan arrinta cunaqabateynta ayaa waxay  ku xidhnaan doontaa kolba waxay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka yeelaan mudo-kordhinta 22 ka bilood ee muranka xoogani ka taagan yahay wakhtigan, taas oo ay ogaandoonaan markay booqasho ku yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargrysa dabayaaqadda bishan May.

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS