haatuf.net
Shirkadihii Shidaal Baadhista Oo Wasiirka Macdanta U Haysta Lacagihii Xaqul-Qalinka Ee Uu Ka Qaaday
May 23, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, prostate May 23, unhealthy 2015 (Haatuf) – Qaar ka mid ah shirkadihii shidaal baadhista ee dalka ka baxay ayaa wasiirka macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale u haysta lacago malaayiin doolar ah oo uu xaqul-qalin ahaan (Bonus Signature) uga qaaday.

Shirkadahan oo ay ka mid yihiin Genel Energy, bronchi DNO iyo shirkad macdaneed laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxay ku doodayaan in lacagtii xaqul-qalinka ahayd loo soo celiyo maadaama oo ay dalkii iskaga baxeen ka dib markii ay carqalado lama-filaan ahi iska-hortaageen hawlihii baadhista iyo soo saarista shidaalka iyo macdanta ee ay doonayeen inay ka fuliyaan dhulka Somaliland.

Sidoo kale wasiirka macdanta iyo wiilka soddoga loo yahay ee Baashe Cawil ayaa todobaadkan ku sugnaa magaaladda Adis-ababa, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen ganacsato Ethiopian ah.

Wasiir Xuseen ayaa isagu shalay galinkii danbe kasoo laabtay magaaladda Adis-ababa. Dhinaca kale waxa la filayaa in todobaadka soo socda Golaha Wakiiladda la horkeeno Mooshin sharci-darro ka dhigaya heshiis kasta oo ay xukuumadu la gasho shirkado iyo dalwado shisheeye baarlamaanka oo laga ansixiyo mooyaane.Wasiirka Macdanta iyo ganacsadaha Yemeniga ah

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS