haatuf.net
Maayarka Caasimadda Oo Dhagax-dhigay Machad Lagu Baran Doono Culuumta Saxaafada Oo Loogu Magac Daray Hoggaamiyihii Ruuxiga Ahaa Ee Saxaafadda Madaxabanaan Marxuum Maxamed-Rashiid
May 24, 2015 - Written by Admin Two

Dhismaha Machadkan Ayaa Ka Mid Ahaa Himillooyinkii (AHN) Marxuum Maxamed-rashiid

 maxamed-rashiid-80x106Hargeysa, allergist May 24, viagra 2015 (Haatuf) – Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa Ayaa dhagax dhigay dhismaha Machad lagu baran doono culuumta saxaafadda oo loogu magac daray xog-hayihii hore ee Ururka SOLJA alla ha u naxariistee  Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax. Machadkan oo ka qayb qaaadan doona barashada culuumta saxaafadda  kaasi oo faa’iido badan u yeelan doona  koboca  heerka aqoonneed ee suxufiyiinta Somaliland.  Duqa caasimada Hargeysa  oo ay weheliyaan xildhibaannada golaha deegaanka ayaa shalay munaasibada lagu dhagax dhigay dugsigan hadal ka jeediyey iyaga oo  ugu baaqay inay saxaafada iyo hay’adaha la shaqeeyaa dhismihiisa ka qaybqaataan.  Munaaasibaddii dhagax dhiga oo inta badan xildhibaanada golaha Deegaanku ka hadleen ayaa hay’adaha saxaafadda la shaqeeya iyo wasaaradda Warfaafinta usoo jeediyey in goobtaasi u asteeyeen dugsiga saxaafadda oo ay ugu magac dareen Xogyihii hore ee Saxaafadda Somaliland Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ka dhismihiisa ka qaybqaataan.  Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta (shalay) oo ay bishu tahay 23, capsule waxaan dhagax dhigaynaa dugsi saxaafadda wax lagu baro oo aanu ugu magac darnay Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, waxaana doonayaa inay dhamaan ka qaybqaataan saxaafadda iyo hay’adaha la shaqeeya iyo waliba wasaaradda warfaafinta waa in dugsigaasi la garab gallaa oo sidii loo dhisii lahaa cid walba u dadaasho”.  Maayarku waxa uu sheegay in goobta dugsiga laga siiyey tahay goob waxbarashadda ku haboon, isla markaana ku taalla badhtamaha magaladda oo cid walba ka soo gaadhi karto, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “goobtani waa badhtamihii Hargeysa, waxaana dhinacyadda ka kala  xiga Maroodi jeex hoteel  iyo Hoteel Kaah, meeshuna waa dantii guud ee laga jaray beerta Ilmo Qawdhan, waana meel ay cid walba soo gaadhi karto oo cid walba iman karto, waxa kale oo aan dhagax dhigi doonna garoonkii kubadda cagta ee dhalinyartu ku ciyaari doonto”.  Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cago weyne) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “goobtan wanaagsan ee istaraatiyadda ah ee aan saxaafda ugu tallogalnay waa goob ku taalla magaaladda badhtankeedii oo cid walba so gaadhi karto, waa meel inamadda bilaa baabuurta ahi iman karaan”.  Xildhiban Maxamed Caalim Tima cadde ayaa isagu sheegay inuu magaca marxuum Maxamed Rashiid u bixiyey waxaanu yidhi “dhulkan waxaan u hibaynay saxaafadda waxaana ugu magacdarnay Marxuum Maxamed Rashiid sababta ugu bixiyey waxa weeyi waa ninkii ugu horeeyey ee anigoo gudoomiyaha dhulka ah codsi iila yimid ee yidhi na sii goob aanu ka dhisno dugsi ay saxaafadda wax ku barato, sidaa daraadeed mar haddii ninkii dhintay oo aanu inala dhagax dhigeen oo uu inaga hooseeyo waxaan caqligayga ka keenay in aan anigu u bixiyo Maxamed Rashiid “.  Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa isna yidhi “in badan baanu maqalnay jaamacada la dhagax dhigayo,  ama garoomo la dhagax dhigayo,laakiin dugsi saxaafaddu leedahay o la dhagx dhigayo waa kii kowaad,  waxana la dhagax dhigay meel ku haboon oo dhinac walba magaaladu ka xigto”.  Xildhnibaan Cabdi Haybe oo isna ka mid aha golaha deegaanka ee Caasimadda waxa uu yidhi“halkan waxaanu maanta ku dhagax dhignay iskuuul saxaafadu wax ku baran doonto, waxaana goobtan laga dhisayaa laba garoon iyo dugsigaasi saxaafaddu leedahay”  Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaanno kale, kuwaas oo soo dhoweeyey dugsigan waxbarashadda ee cilmiga saxaafadda lagu baran doono, kaas oo noqon doonna kii ugu horeeyey ee laga aasaaso magaaladda Hargeysa.  Hirgelinta dugsigan ayaa  qayb ka ahaa  himillooyinkii uu ka tegey Alla ha u naxariistee xog-hayihii hore ee ururka Suxufiyiinta Somaliland Marxuum Maxamed-rashiid  ayaa Masuuliyiinta dawladda hoose sheegeen inay maamul ahaan bixiyeen dhulka laga dhisayo machadkan iyagoo tilmaamay in hadda wixii ka dembeeya   ku wareejinayaan  bahda saxaafadda Somaliland si loogu raadiyo dhaqaalaha lagu dhisayo dhismihiisa maadaama Muxumed Faarax.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS