Doorashadii Dalka Ethopia oo Saacado la hakiyay Iyo Xisbiga EPRDF Oo La Saadaalinayo Inuu Ku Guulaysan Doono Doorashooyinka
May 24, 2015 - Written by Admin Two
Hargeysa, May 24, 2015 (Haatuf) – Waxaa saaka la furay goobaha codadka doorashooyinka ee dhamaan gobolada iyo tuulooyinka dalka ethopia markii ugu horaysay ilaa dhimashadii Raisal wasaarihii hore Meles Zenawi kaasoo uu badalay Hailemariam desalegn oo ah raysal wasaaraha rasmiga ah .
Ilaa 36.8 million oo Ethiopian ah ayaa si rasmi ah loo rajistargareeyay inay codeeyaan maalinta axada tasoo khubarada siyaasada falanqeeya leeyihiin waa tiro ka yar intii lagu tartami lahaa.
“in doorashooyinka la kala guulaysto waxaa udub dhaxaad u ah xisbiga hiigsigiisa waxaana muhiim ah xisbigee kor u qaadi kara horumarka wadanka ka jira” sidaa waxaa yidhi Jason Mosley oo ka tirsan aqalka Ingiriiska ee Gattam house think tank .
Xisbiga EPRDF(Posters of the Ruling Ethopian people’s Revolutionary Democratic front) ayaa awood badan ku leh Caasimada Itoobiya Addis ababa
EPRDF waxay talada xukun soo hayeen ilaa 2 decade iyo in ka badan iyadoo doorashadana ay kalsooni buuxda ka qabaan inay ku guulaysan doonaan tasoo markhaati uga dhigayaan dhaqaalaha wadanka oo kor ay u qaadeen , Itoobiya waa wadanada afrikaanka ugu horeeya xaga horumarka dhaqaalaha iyo ka faaidaysiga maalgashiga caalamiga ah .
Qolooyinka xuquuqda bini aadanka u doodaa waxay soo saaraan kuna eedeeyaan in itoobiya ay xoriyatul qawlka cunaqabataysay dhamaan taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo journalistayaash loo adeegsado sharciyada ka hortaga argagagixisada si loo aamusiiyo diidmadooda si toos ahbaana loo xidhxidhaa sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah shicibka ku dhaqan caasimada Adis ababa sanduuqa doorashooyinka ma noqon doono mid xor ah dhexdhexaadna u ah xisbiyada tartamaya waxaana la cabudhiyay xoriyatul qawlka .
Sarkaal ka mid ah dawlada oo afka dawlada ku hadlayay Redwan huseen ayaa diiday dhaleecadaasi isagoo u waramay Jariirada AFP News waxaanu yidhi dadka codaynayaa waxay wax ku dooran doonaan si xor ah iyagoo ku dooranaya sida ay iyagu u arkaan “hadii ay u arkaan codbixiyayaashu in ay anaga marlabaad nasoo doortaan waa noo codaynayaan hadii ay na saluugsan yihiin waxqabadkayaga nooma codayn doonaan .
Sanduuqa codadka doorashooyinku waxay furmayeen saaka :06am ilaa 06:00pm laguna soo saari doona natiijada hordhaca ah mudo laba cisho ilaa shan cisho maalinta la shaacin doonaana ay tahay JUNE 22 2015 .
Itoobiya sanadkii 1984 ay abaaro ba ani ku dhaceen xiligaas oo caawimooyin farabadani si isdaba jog ah looga haqab tiray waxaase isla markiiba ka bilaabmay kobac dhaqaale oo ilaa maanta bulshadii iyo wadankiiba kor uqaaday waxaanu la qiyaasaa kobaca dhaqaale inuu gaadhay inkabadan 10% shan tii sano ee u danbeeyay waxaanay ku socotaa inay noqdaa wadamada ugu horeeya xaga dhaqaalaha (Industrial developed countries).
Saacadihii loo balansanaa inay furmaan sanduuqyada lagu codaynayaa oo ahayd saaka 6:00am waa la hakiyay iyadoo qolooyinka farsamo yaqaanka ahaa ay ku sifeeyay cilad inay ku timid laakiin waxaa taasi cabasho badan ka muujiyay xisbiyada loolanka tartanka doorashooyinka kula jira waxaanay hordhac u tahay mashruuca ku shubashada ee ay mucaarid ku eedeeyeen dawlada itoobiya inay ugu talagaleen .
Dimiqraadiyada Gaarka ah ee Itoobiya (Exeptional Democrazy)
Xisbiyada tartanka doorashooyinka Itoobiya oo kala ah :-
AAPO (All Amhara People’s Organization); CAFPDE (Council of Alternative Forces for Peace & Democracy in Ethiopia); EDU (Ethiopian Democratic Union); ENDP (Ethiopian National Democratic Party); EPDP (Ethiopian Peace & Democratic Party);EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front); TJPF (The Joint Political Forum).
Mucaaridku waxay ku eedeeyeen dawlada inay isticmaalayso talaabooyin awood maroorsi ah si ay guul wayn uga gaadhaan doorashooyinka .
“Siyaasad itoobiya waa xidhxidhantahay cidbaanay u xidhan tahay” sidaas waxaa yidhi Yilekal getinet hogaamiyaha xisbiga Blue party ee dadka Amharic u badanyihiin iyo waliba ah xisbiga mucaaridka ah ee ugu weyn xisbiyada, wararkaasi waxaa sidoo kale beeniyay kuna tilmaamay wax aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn National Election Board of Ethopia (NEBE) .
“Maanta wadanka waxaa ka hirgashay doorasho xor ah kana duwan doorashooyinkii hore oo ay xisbiyadu ku tartamayaan”sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Megra Bekana waxaa ka qayb qaadanaya doorashooyinkan 40,000 oo qof oo Observers oo ku kala qaybsan 45,795 goobood (Polling stations).
Teamka observerska ahi waxay ay ka socdaan African Unionka oo soo diray koox ka kooban 59 sarkaal, EU iyo US Xarunteeda Cartar oo kormeeraysay doorashooyinkii 2005-2010 doorkan kamay qaybqaadan kumanay soo laaban wadanka .
Xisbi xaakimka EPRDF waxaa ku guulaystay sanadkii 2010 doorashooyinkii golaha deegaanka wadanka ka dhacay si nabad laga reebo rabshadihii ka dhacay 2005 kacdoonkii mucaaridku mudaaharaad ku abaabuleen oo halkaas ay ku dhinteen ilaa 200 oo qof .
Free Journalist
Ahmedyasen Sh Omar Ahmed
Sirahmedyasen14@gmail.com
CONTACT US
: haatufnews@hotmail.com
COMMENTS