haatuf.net
Cali Gurey Oo Ka Hadlay Sababta Ay Labada Xisbi Mucaarid Iyo Madaxtooyadu Xal siyaasi ah Uga Gaadhi La’ Yihiin Khilaafka Muddo-kordhintu Dhalisay
May 25, 2015 - Written by Admin Two

“Shacbiga Waxaan Leeyahay Waxba Ha Baqanina Haddii Runta La Waayo Waxaa Soconaysa Beenta Ee Waxa Ay Ahayd In Ucid Iyo Waddani Uu Safkoodu Midaysnaado Balse”

 

Hargeysa, look May 25, 2015 (Haatuf)  – Gudoomiye xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Guray) ayaa shalay si faah faahsan uga hadlay Kulankii wada-tashi ee ay Xukuumadu gogoshu ugu fudisay Labada Xisbi Mucaarid ee ay kaga wada hadlayeen Khilaafkii ka dhashay mudo kordhintii Guurtidu Xukuumada usamaysay ee Sanadka iyo Tobanka bilood ahaa, kulankaasi oo Gabo gabadiisii maanta oo isniin ah loo balansan yahay, waxa uu sheegay Muj Cali Guray inaan kulankaasi laga sugin wax midho dhal ah ilaa ay tanaasul la yimadaan labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo uu ku sheegay inay laba mawqif oo kala fog kala taagan yihiin, halka uu ku faanay in Xisbigiisa UCID uu la yimid Xal dhex dhexaad ah oo uu ku sifeeyay in aakhirka halkaasi la iskugu iman doono.

Muj Cali Guray oo arintan kaga hadlay Shir Jaraa’id oo uu shalay Saxaafada ugu qabtay Xafiiska Xisbiga UCID ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan “Haddii runta la waayo waxaa soconaysa beenta, waxaananu maanta saxaafada ugu yeedhnay inaan wax yar ka iftiimiyo wixii labadaasi maalmood wada hadaladaasi ay keeneen iyo halka ay gaadheen, maalintii koowaad waxay ku soo biyo shubatay “legal Argue) ma sharciga Xaga maxkamada ayaynu iskula kacnaa iyo Shuruucda, mise sharci waa hore ayuu dhintaye,waxaynu ku dadaalnaa inaynu wada gaadhno Xal siyaasi ah oo aynu kaga bixino dalkeena Khilaafka siyaasiga ah ee uu ku jiro, waxaa la isku raacay inaanu xal siyaasi ah aanu isku raacno, waanu balanay sabtidan Doraad,qola walaabay Xisbigaagii ku noqo inaad xal siyaasi ah isla ogoshihiin, islamarkaana talo aad soo wada tashateen, oo halka aad taagan tahay ah ayaanu ku soo kala dareernay kulankii hore”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Shalay (Doraad) waanu tagnay anaga oo UCID ah waxaanu noqonay xisbiga keliya ee Saddexdayadii Xisbi Xal siyaasi ah la yimaada, Waxaa nasiib daro ah in labadii Xisbi ee kale ee Waddani Iyo KULMIYE aanu midna xal siyaasi ah la iman,Soo jeedin markii la yidhi, waxay noqotay inay iyaga uuni isku muuqdaan(Waddani iyo KULMIYE ), hadii ay sidaasi ku sii wadaana waxaa dhici doonta inaanay wada hadaladanina sii socon doonin, Xal siyaasi ahna la gaadhi doonin,maalinta Isniintana uu iska soo wada xidhmi doono Wada hadalkaasi. Garanay KULMIYE waa Xisbi Xaakim, Dawlad iyo Madaxweyne iyo waxbay is dhex wataan, waxaanu ahayn anaga iyo Waddani Laba Xisbi oo Mucaarid ah oo safkayagu inuu midaysnaado ayay ahayd, waananu midaysnayn,waxaanu ku midaysnayn 1-June,oo aanu anagu markii sexeexa lanagaga baxay aanu dib ugu noqonay,laakiin markii la yidhi La kaalaya xal siyaasi ah, Xalka siyaasiga ahi waxa weeyi inaan Cidina teeda wada helin,Haddaan anigu meel istaago, Kaasina meel istaago, kaa kalena meel istaago, Xal siyaasi ah waxaa la yidhaa, waar mid waloowba tallaabo hore u soo qaad, oo aan iskugu nimaadno meel dhexdaasi ah, Waddani Taayadiina naguma raacin, Xal uu shirka la yimidna ma jirin, iyagaana dacaayada suuqa ka wada”.

Xisbiga UCID waxa uu fariin adag u diray Xisbiga WADDANI iyo KULMIYE inay Kulanka Maanta Xal Siyaasi ah la yimaadaan waxaanu yidhi “KULMIYE isna xal siyaasi ah lama iman,Sidaasi darteed anaga oo UCID ah halkan digniin ayaanu ka bixinaynaa oo aanu u dirayno labada xisbi ee kale, waxaanu idin leenahay shalay waad ogaydeen Madaxweyne ku xigeenkuna wuu noo markhaati furay in Xisbiga UCID oo keli ahi yahay Xisbiga layimid xal siyaasi ah, hadii maalinta Bari Isniinta ay noqoto Anaguna halkayagii ayaanu taaganahay anaguna sidoo kale, oo labadaasi xisbi mid waliba halkiisaasi iska taagnaado macnuhu waxa weeyaan Doorasho ma dhacayso, Doorasho waxay ku dhici kartaa in wax lagu heshiiyo, hadii labadaasi mawqif aad kala taagnaataan waxaanu u qaadaynaa inaanay Labadaasi Xisbi Doonayn inay doorasho dhacdo”.

Waxa kale oo uu yidhi “ Shacbigana waxaan leeyahay waxba ha baqanina, halkaasi UCID taagan Yahay ayaa la iskugu iman doonaa, meel kale oo la iskugu imanayaa majirto, in la kala tago iyo in halkaasi UCID keligii taagan yahay in la iskugu yimaado, anagu waxaanu taaganahay 27-ka Jully ee Guurtidu Qabatay inaanu ogolaanaa inay is del-dela tahay, is del deli mayno mana yeelayno, hadaanaan meel iswada taagina Doorasho Ma dhacayso”.

Muj Cali Guray oo la waydiiyay labada Xisbi ee KULMIYE iyo Waddani halka ay kala taagan yihiin ayaa waxa uu sheegay in Xisbi Xaakimka KULMIYE wato Go’aankii Guurtidu ugu kordhiyeen Xukuumada halka Xisbiga Waddani uu wato Go’aankii Komishanka Doorashooyinka,islamarkaana iyaga oo Xisbiga UCID ahina ay wataan kaa komishan balse ay sidoo kale diyaar u yihiin Xal dhex dhexaad ah in la iskugu yimaado si loo damiyo khilaafkan siyaasadeed ee walka weyn ku haya Bulshada Caalamka iyo Somalilandba.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS