haatuf.net
“Shacabka Somaliland-Ow Waxaynu Kala Dooranaynaa Inaynu U Danayno Kooxo Khiish Daloola Wata Iyo Inaynu Dalka Iyo Ummadeena U Danayno”Faysal Cali Waraabe
May 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, advice May 25, 2015 (Haatuf) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dib u dhaca mar kale ku yimid wada hadalkii u dhaxeeyey xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay ogol yihiin inuu shirku dib ugu dhaco maalinta bari ah, waxaanu tilmaamay  inay rajaynayaan in madaxweyne ku xigeenku shirka keeno xal siyaasi ah.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya dib u dhaca wada hadalka ayaa waxa uu yidhi “ Anaga oo ixtiraamayna madaxweyne ku xigeenka oo shirka gudoominayey waanu ogolaanay in beri uu shirku dib ugu dhaco, Markii ay guurtidu soo saartay go,aanka bilaa sharciga ah  Ucid ayaa madaxweynaha ka codsaday wada hadalka waxaanan arkaynay inay  arintaasi keenayso khilaaf iyo aduunkii oo inaga taga inaga oo maanta u baahan mucaawino ictiraafna doonayna haddii aduunku inaga tagana  isma  bixin karayno, Madaxweynaha waxaan ku idhi mudadaas ay goysay guurtidu kuu dan maaha dalkana dan uma aha sharaftaadana way dilaysaa ee aynu arintaas meel ka soo wada istaagno madaxweynuhu wuu arkay khatarta ay leedahay, waana ku ceeb madaxweynaha  in wixii uu diidayey 2009-kii  inuu maanta difaaco  waanay ku xun tahay, dadka waxaas wadaana maaha dad u danaynaya madaxweynaha waayo waxaynu ogayn halka uu ka taagnaa korodhsiga guurtida iyo sharci darada in maanta la yidhaa waa looga ergaynayaa waxaan arkaa inaanay ahayn fikradiisa, waxana  waxa wata dad calculator sita oo xisaabsanaya maalinba intii dadka ka soo gali jirtay mana ah dad u danaynaya dalkeena.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay haddii aan xal la gaadhin inta ka horaysa wakhtiga u hadhay xukuumadda inaanay aqoonsan doonin muddo kordhinta ay sameysay guurtidu  waxaan uu yidhi “Anagu waxaanu nahay gurmad ilaalinaya danta dalka somaliland iyo sharafta madaxweynaha, madaxweynaha waa la sharfay waana la doortay waana inuu sharaf ku qabtaa doorashada oo aan lays xag xagan, waxaanu sheegaynaa anagu haddi ay gaadho 26-ka June iyada oo aan xal laysla gaadhin dawladaas ma ictiraafayno, guurtidu wixii ay kordhisay ma ictiraafayno, waxaana iman doonta  sidii aanu ku wada tashanay barigii hore aniga iyo Madaxweynuhu inaanu qaban doono shir qaran oo aanu samayn doono dawlad umadu ogoshahay  oo doorasho inoo qabata dalkanina doorasho la,aan socon maayo, dadka waxaanu waydiinaynaa 22 bilood oo laba doorasho inoo yaalaan maxaa la qabanayaa, waa dad laba mayd u yalaan soo in mid uun la aaso maaha, dan somaliland ah lama wado.”

Ugu danbayntii gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu fariin u diray shacabka somaliland waxaanu yidhi “Waxaad kala doorataan shacabka somaliland-now  inaynu u danayno kooxo kiish daloola wata iyo inaynu dalkeena iyo umadeena u danayno, danteenu kuma jirto inay doorashadaasi u dhacdo sanadka 2017-ka, danta umadana kuma jirto inay laba sanadood boodo doorashadii la doonayey inay dhacdo 2015-ka waana inaynu meel uga soo wada jeedsano inaanay arintaasi dhicin oo aan dalkeena khal khal la galin, waxaanan leeyahay kubada xaga xukuumada ayey taalaa ilaahay ayaanan ka baryeynaa inuu caqli siiyo, haddii ay la yimaadaan xal siyaasi  waa noo furan tahay haddii ay la iman waayaan talo  ayeynu iskugu imanaynaa  waxaynu arkaynaa inay dadkani yihiin kuwa danaysanaya balse aanay ahayn kuwo dalka u danaynaya, waxaanan leenahay danteenana maaha in la fuliyo wixii ay guurtidu kordhisay”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS