haatuf.net
Wada Hadalkii Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday, Cirro Oo Sheegay In Ay Kulamadii Fashilmeen Iyo Qodobada La Isku Mari-Waayay
May 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, May 27, 2015 (Haatuf) – Wejigii saddexaad ee wada hadalka xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad ee shalay furmay, ayaa mar kale xalay soo gebageboobay iyadoon wax natiijo ah la isla gaadhin.

Wada hadalka oo bilaabmay 1:00 duhurnimo islamarkaana soo xidhmay 8:00 fiidnimo, ayaa la isku mari waayay, waxaanay dhinacyada kulanka ka qayb galayay ku guuldaraysteen inay isla gaadhaan xal siyaasi ah oo lagaga baxo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo markii uu kulanka ka soo baxay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wada hadaladii burbureen sidaasna ay ku istaageen, isagoo baaq u diray cid kasta oo dhexdhexaadin karta khilaafka siyaasadeed.  Wuxuu guddoomiye Cirro yidhi “Waxaad ka warqabteen in xukuumadu ay gogal dhigtay Axsaabta mucaaradka ah u dhigtay, maanta waxa aanu isagu nimina waa fadhigii Sadexaad, marka maanta fadhiga aan isagu nimi ee Sadexaad, waxaan rajaynaynay kolayba in heshiis ka soo baxo, fadhigu intii hore waa uu fiicnaa waa la dooday, waxaana laga doodayey arrinta taagan ee ahayd murankii ka dhashay khilaafkii Guurtida, kulankaasi waxaa uu ku dhammaaday is afgarad la’aan, waxaanu diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysa arrintan haddii ay yihiin saaxibadii aanu ka nimi ee Kulmiye, Ucid iyo Xukuumada, haday yihiin shacbiga reer Somaliland iyo haday tahay beesha caalamkaba, cidii xal ka gaysanaysa diyaar ayaanu u nahay annagu, waxaana aanu rajaynaynaa annaga oo shacbiga u tudhayna in si deg dag ah xal loogu helo arrintaasi.”.Ayuu yidhi

Laakiin murashaxa madaxweyne-xigeen ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isagu qaba fikir ka duwan mawqifka Cirro, waxaanu yidhi “Waxaad ogeydeen in wada-hadaladu ay socdeen muddo todobaad ah, waxaa ay bilaabmeen Arbacadii hore, kulankani waxaa uu ahaa kulankii Sadexaad, marka maanta waxaan idiin sheegaynaa in mawqifyadii markii hore la taagna la’ iskaga soo dhawaaday, jawiguna uu wanaagsanaa, waxna la isla qaatay, hase yeeshee waxii la isla qaatay Laba arrin ayaa soo dhex galay oo ah in si la shaaciyo oo lagu dhawaaqo iyo in dib loo dhigo oo ay codsadeen qolada xukuumadu muddo 24saacadood ah illaa muddo 48saacadood ah oo ay yidhaahdeen mawqifkaasi ha innoo qarsoonaado oo wada-hadalkaasi waa innoo socdaa wali, waxaana aanu soo dhammays tiraynaa wax kasta oo innagaga xidhan waxaa aynu ku heshiinay, annagu ka xisbi Ucid ahaan waanu qaadanay maalin iyo Laba in aanu sugno, waayo wax laga hadlayaa arrin sahlan maaha, waa masiirkii umadda, waa arrin khilaaf siyaasiya ah oo haddii aan la xalin keeni karta dhibaato badan, marka annagu ka xisbi ahaan waanu qaadanay in aanu maalin iyo Lababa aanu fursad siino xukuumada oo ay hawlahaas waxii ka dhiman soo dhammays tirtaan, deedna aaanu annaga oo is wada ogal oo isku wada faraxsan ay wax innoo dhammaadaan waayo shacabkeenu waxaa uu jecel yahay in aynu is waafaqno oo wax innoo hagaagaan iyo in aynu tawfiiq yeelano.”.

Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna yidhi hadaladan.”.Ayuu yidhi Md.Cabdirashiid Xasan Mataan.

“Maanta(Shalay) sida aad ka warqabtaan sadexda xisbi, waxaanu wada joognay illaa iyo maanta(shalay) qadadii oo aad noo timaadeen(warbaahinta) illaa iyo imika saacadana waa aanu fadhinay, waxaana ka horeeyey dhowr maalmood oo horena wada-tashiga waanu u fadhinay, waxaan maanta saxaafada u sheegayaa xisbiga Kulmiye maanta horumar aad iyo aad u wanaagsan, ayuu sameeyey wada-hadalkii aanu Axsaabta samaynaynay ra’yiyo fara badan ayaa aanu isu keenay, arragtiyo xisbiyada mucaaradka iyo xisiga muxaafadka ahi ay ku kala duwanaayeen ayaa jiray, waanu isku soo dhaweynay, arragti ayaa aanu isku keenay, arragtidaana waanu isku waafaqnay, waxaana marka aad ka warqabtaan oo xisbiga Waddani uu nagaga soo kacay sababtu waxaa ay ahayd go’aankii aanu isla gaadhnay iyo taladii aanu isla gaadhnay, ayaa waxaa aanu soo jeedinay in annaga xisbil xaakim ahaan nala siiyo muddo yar oo kooban inta aanan go’aanka jeedin sababta oo ah waxa weeye go’aanka aan annagu doonayno in la bisleeyo waxa weeye waa arrintii doorashada ee golaha Guurtiduba uu go’aanka ka soo saaray, arrinkaasi iyo go’aankaasi saamayn fara badan ayaa uu dhinacyo badan ku leeyahay, si aanu u bislayno go’aanada oo hada noo yaala go’aankii se hada saxaafada ka sheegi mayno, sababta oo ah waxa aanan u sheegayn dhinacyadii ay saamaynaysay ayaa waxay milgo ahaan noogu leeyihiin intaanan saxaafada u soo bandhigin in aanu iyaga go’aankayaga kala soo tashano, meel aad u wanaagsan ayaanu isla marnay, meel aadu wanaagsan ayaanu isla gaadhnay intaas danbe ayuunba nagu soo baxday iyaguna waxaa ay jeclaysteen in go’aanka caawa la jeediyo.”

Qodobka shirka soo xidhay:

Kulanka xukuumadda iyo mucaaradka ah oo ah mid ay albaabadu u xidhanyihiin oo aan saxaafadda loo ogolayn, ayaa sida ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen waxa la isku mari waayay hal qodob oo ay dhammaan dhinacyadu aqbaleen balse haddana la isku diiday in warbaahinta loo sheego.

Sida ay xoguhu sheegeen guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa madasha soo dhigay tallo uu u arkay inay tahay xal siyaasi ah taas oo ah in xisbiga Waddani ka tanaasulo mawqifkiisii ahaa inay doorashadu qabsoonto 1 June 2016, KULMIYE iyo xukuumaduna ay ka tanaasulaan 22-ka bilood ee ay guurtidu kordhisay islamarkaana la qaato taladiisa oo ah in doorashooyinku qabsoomaan bil ka mid ah sannadka 2016 taas oo u dhow inay noqoto is afgaradkii saqiiray ee ay xisbiyadu isla garteen ee ahaa 15 November 2016. Soo jeedinta Faysal Cali Waraabe, waxa soo dhaweeyay xisbiga Waddani iyo ergadii ka socotay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxaanay sheegeen inay aqbaleen  soo jeedinta uu soo bandhigay Faysal Cali Waraabe.

Haseyeeshee waxa ay Waddani iyo xukuumadda iyo KULMIYE oo isku dhinac ahi ku kala baydheen in saxaafadda loo bandhigo in la qaatay talada Faysal ee ah in lagu soo noqdo inay doorashooyionku qabsoomaan 2016.  Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyay in mar haddii la aqbalay talada Faysal Cali Waraabe ee ah 2016 in doorashada la qabto; saxaafadda loo bandhigo, halka ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE dalbadeen in la siiyo laba maalmood oo ay ku soo qanciyaan soo jeedintan cusub Golaha guurtida iyo dhinacyo kale, la iskuna soo noqdo laba maalmood ka dib. Laakiin waxa soo jeedintaas qaadacay xisbiga Waddani, taas oo sababtay in xisbiga Waddani ka baxo kulankii islamarkaana uu guddoomiye Cirro saxaafadda u bandhigo in wada hadalkii istaagay.

Laakiin guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa la sheegay inuu isagu qaatay mawqif ka duwan aragtida Cabdiraxmaan Cirro taas oo ah inuu sugo labada maalmood ee ay xukuumadda iyo KULMIYE qabsadeen.Source: Geeska.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS