haatuf.net
Halkan Hoose Ka Akhriso Nuxurka 4 Qodob Oo Ay Kala Saxeexdeen Xukuumadda Iyo Labada Xisbi-Mucaarid Ee UCID Iyo Waddani
May 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough May 27, erectile 2015 (Haatuf) – Xukuumadda iyo labada xisbi-mucaarid ee UCID iyo Waddani ayaa shir caawa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Somaliland ku kala saxeexday heshiis ka kooban afar-qodob, generic kaas oo nuxurkiisu ahaa in bisha December ee sanadka danbe ee 2016-ka la qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladda ee dalka.

Afartaas qodob ee ay dhinacyada ku muransanaa muddo-kordhintii sanad iyo 10-ka bilood ahayd ee loo sameeyey xukuumadda ayaa waxa shirkaasi caawa ka baxay Shirgudoonkii Golaha Guurtidu, kuwaas oo sida muuqatay muujiyey inaanay ku qanacsanayn heshiiskaasi.

Afartaas qodob ee lagu heshiiyey ayaa waxay u dhignaayeen iyagoo dhamaystiran:-

“1. Waxaanu ixtiraameynaa go,aankii Golaha Guurtida ee kordhinta muddo xileedka Madaxweynaha ,ku Xigeenkiisa Iyo Golaha Wakiilada Somaliland

  1. In doorashaada madaxweynaha iyo golaha wakiiladu ay qabsoomaaan bisha 12 ee sanadka 2016
  2. Waxaa ay saddexada xisbi qaran UCID, Waddani iyo Kulmiye ku talinayaan in dooroshooyinku qabsooman bisha 12 ee sanadka 2016 iyada oo kominshanka doorashoyinku uu soo jeedin doonan maalinta ay qabsoomeyso doorashooyinku
  3. Maadama oo saddexada xisbi qaran ay ku hishiiyen wakhtiga doorashooyinka waa in kominshanka doorashooyinku soo jeediyaan maalinta ay qabsoomeyso doorashooyinku isla markaana waxaa aanu soo jeedineynaa in madaxweynuhu digreertu ku ansixiyo maalinta doorashooyinka”.

Halkan hoose ka daalaco nuxurka heshiiska afarta qodob ah ee ay kala saxeexdeen dhinacyada siyaasadda Somaliland:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS