haatuf.net
Shir Qaadhaan Loogu Ururinayey Jidka Berbera Corridor Oo Burburay Ka Dib Markii Ay Xukuumadda S/land Ka Baxday Balanqaad Hore Oo Ay Ku Ogolaatay In Somalia Kasoo Qaybgasho
June 28, 2015 - Written by Admin Two

Adis-ababa, erectile | June 28, 2015 (Haatuf) – Shir caalami ah oo loogu ururinayey qaadhaan gaadhaya $100 Milyan oo ka dhinayd miisaaniyadii loogu talo galayey mashruuca wayn ee Berbera Corridor ayaa qarka u saaran inuu burburo ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ka baxday balanqaad hore oo ay ku ogolaatay in Somalia kasoo qaybgasho shirkaasi oo sida qorshuhu yahay 7 July ka qabsoomaya caasimadda dalka Ethiopia ee Adis-ababa.

Mashruucan oo 10-kii sanadood ee u danbeeyey la qorsheynayey hirgalintiisa ayaa waxa ku baxaya lacag lagu qiyaasay $250 Milyan, kaas oo $150 Milyan oo ka mid ah la hayo oo ay ku deeqeen Midawga Yurub.

Hadaba Shirkan oo ku talo-galkiisu ahaa inay iskugu yimaadaan qaar ka mid ah  deeq-bixiyeyaasha waawayn sida dawladaha Maraykanka, Norway, Denmark, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa waxay xukuumadda Somaliland ka ogolaatay  safariirka Talyaaniga ee Somalia mar uu dhawaan dalka yimid in xukuumadda Xamar ay xubno usoo dirsato shirkan qaadhaanka loogu yaboohinayo mashruuca Berbera Corridor.

Hase yeeshee markii todobaadkii hore uu Madaxwayne Siilaanyo u anba-baxayey magaaladda Adis-ababa ayaa waxay xukuumadiisu deeq-bixiyayaashii ku wargalisay inaanay shirkaasi 7-da bisha danbe ka furmaya halkaasi aanay kasoo qaybgali doonin hadii ay Somalia kasoo qaybgasho, taas oo dhako-faar ku noqotay dawladihii qaban-qabaabinayey shirka oo hore ula socday in xukuumadda Somaliland ay ogolaatay ka qaybgalka shirka ee Xukuumadda Somalia.

Sida ay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ahi sheegeen waxay jira xidhiidho dhexmaray masuuliyiin matalaya Somaliland oo qaarkood aanay xil ka haynin dawladda iyo kuwa tirsan dawladda Somalia, kuwaas oo ka wada-hadlayey codsiyo ay Somaliland ku dalbanaysay in xukuumadda Xamar  ogolaansho u siiso mashaariic laga hirgalinayo Somaliland oo ay ka mid yihiin mashruuca Dekadda lagu balaadhinayo iyo ka Berbera Corridor.

Xukuumadda mudo-xileedkeedu dhamaaday ee Somaliland ayaan ilaa hada ka jawaabin warbixin uu sirdoonka Sucuudigu ku sheegay in 18/ 12/2012  ay xukuumadaha Somalia, Puntland iyo Somaliland wada-jir u saxeexeen heshiis lagu dhisayo Baarlamaan cusub oo ka kooban laba aqal oo kala sareeya, isla markaana la sameeyo distuur ku salaysan nidaam federaali ah oo dib ugu midoobayaan wixii Somalia la isku odhan jiray.

Warbixintan sirdoonka Sucuudiga ayaa waxay ka mid ahayd boqolaal kun oo warbixino sir ah oo ay kashiftay website siraha dawladaha aduunyada soo bandhiga ee Wikileaks.

Dhinaca kale waxa noo suurtoobi wayday inaanu helno aragtida ay xukuumadu ka qabto xogaha kor ku xusan, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen xidhiidho aanu la sameynay.

Displaying image-01ae7fb045d17e36b28b2ba3673862d41d7f35e11d1705aa8216d8efb7c92f18-V.jpg

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS