haatuf.net
Beesha Caalamka Oo Halkii Ay Somaliland Oo Dhan Cunaqabatayn Lahayd Xayiraad Kusoo Rogi-doonta Shaqsiyaad Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo
June 28, 2015 - Written by Admin Two

Nairobi, order June 28, buy 2015 (Haatuf) – Siday ilo ku dhawdhaw qaar ka mid ah dawladaha urur goboleedka Igad ay Haatuf u sheegeen, look beesha caalamka ayaa qarka u saaran inay xayiraad kusoo rogto shaqsiyaad ka tirsan iyo qaar aan ka tirsanaynba xukuumadda madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee mudo-xileedkeedu dhamaaday, halkii ay markii hore ka fikirayeen inay dal ahaan Somaliland cunaqabateeyaan.

Wakiiladda dawladaha daneeya arrimaha Somaliland, gaar ahaan geedi-socodka dimuqraadiyadii ka hana-qaaday ayaa dareen cadho leh ka muujiyey markii dhawr maalmood ka hor ay ogaadeen in heshiiskii ay xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo xukuumadda Siilaanyo wada galeen 27/5/2015 ee ahaa in doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda la qabto bisha December 2016-ka, uu dhinaca xukuumadda ka burburay heshiiskaasi.

Ilaha ku dhawdhaw diblomaasiyiinta Igad ee Haatuf u waramay, waxay sheegeen in dawladaha urur goboleedyada Igad iyo Midawga Yurub iyo waliba Maraykanku ay kulan degdeg ah ka yeelan doonaan xaalada siyaasadeed ee cusub ee ka taagan Somaliland, ka dib markii ay xukuumadda Siilaanyo ka baxday heshiiskii ay iyada iyo mucaaridku qalinka ku wada duugeen ee beesha caalamkuna taageertay, iyadoo loo badinayo in cunaqabayn gaar ah la saaro qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Somaliland iyo shaqsiyaad iyagu aan dawladda ka tirsanayn balse awood ku leh dhexdeeda, kuwaas oo dhamaantood loo arko inay ka danbeeyeen carqaladihii ka horyimid geedi-socodkii dumuqraadiyada Somaliland gaar ahaan doorashadii loo balansanaa inay qabsoonto bisha December 2016-ka. Heshiiska mucaaridka iyo xukuumadda ayaa waxay ahayd inuu badalo go’aankii ay Guurtidu gaadhay 11-kii May ee ay 22-ka bilood ugu kordhisay mudo-xileedka xukuumadda.

Madaxwaynaha mudadu ka dhamaatay ee Axmed Siilaanyo ayaa todobaadkii hore mar uu u socdaalayey Ethiopia oo wax laga waydiiyey heshiiskii ay mucaaridka wada-gaadheen ee ahaa in 4 bilood ku dhaw-dhaw, doorashadda laga soo hormariyey wakhtigii ay guurtidu u qabatay, ayaa waxa uu ku jawaabay in la raaci-doono distuurka dalka, taas oo ahayd siday u muuqatay in xukuumad ahaan ay ku dhaqmi-doonaan go’aankii guurtida ee 22-ka bilood, balse aanay tixgalin-doonin heshiiskii ay mucaaridka la galeen.

Xoghayaha guud ee xisbul-xaakimka Kulmiye Xasan Siciid ayaa isaguna maqaal uu ku qoray wargeyska dawladda ee Dawan cadadkiisii shalay ku sheegay in heshiiskii axsaabta iyo xukuumadu aanu ahayn mid sharci ah, balse uu go’aankii mudo-kordhinta ee guurtidu yahay ka sharciga ah.

Cunaqabayntan la hadal-hayo ayaa sida la sheegay noqon-doonta mid bartilmaameed sanaysa shaqsiyaad gaar ah (smart sanctions), balse loogu talo-galay inaanay saamayn ku yeelan bulshadda Somaliland intooda kale.

Talaabooyinka la qaadi doono waxa ka mid ah xayiraado lagu soo rogo-doono safaradooda iyo xisaabaha iyo hantida ay dibada ku leeyihiin, iyadoo la tixraacayo go’aan uu Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay hore uga soo saaray arrimaha Soomaalida.

Sidoo kale waxa la filayaa inay maalinta bari magaaladda Hargeysa soo gaadhaan xubno ka tirsan guddida beesha caalamka u qaabilsan arrimaha dimuqraadiyada (Democratization Steering Committee), kuwaas oo kulamo la yeelan doona dhinacyada siyaasadda. Sida la ogsoonyahay waxa sanadahan u danbeeyey soo xumaanayey xidhiidhkii ay xukuumadda Siilaanyo la lahayd dawladaha beesha caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Somaliland, taas oo ay sababtay arrintan xad-gudubyada ka dhanka ah dimuqraadiyada, xoriyada saxaafadda iyo waliba geedi-socodka doorashooyinka ee uu maamulka Mr Siilaanyo caadaystay ku dhaqankooda.

Dhinaca kale dawladda Somaliland ayaa badhtamihii bishii May ku gacan-saydhay dhexdhexaadin ay ururka Midawga Yurub isku dayeen inay ka galaan khilaafkii ka aloosmay muddo-kordhintii 22-ka bilood ahayd ee ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxwayne Siilaanyo, taas oo ay mucaaridku si wayn u diideen

Hadaba waxa 26-kii May 2015-ka dalka Somaliland soo gaadhay safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somalia ee fadhigiisu yahay caasimada dalka Kenya ee Nairobi Neil Wigan, kaas oo isla habeenimadiiba Madaxwaynaha kula kulmay casho loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada. Mr Wigan ayaa waxa uu madaxwayne Siilaanyo u sheegay in beesha caalamku miisaaniyada ay ugu talo gashay  doorashooyinka Somaliland ay dhacayso wixii ka danbeeyey sanadka 2016, sidaas darteedna loo baahan in bisha u danbaysana ha noqotee inay doorashooyinku qabsoomaan sanadka 2016, kaas oo uu aakhirkii ku qancay Madaxwayne Siilaanyo.

Ambassador Wigan ayaa maalintii danbe galinkeedii hore la kulmay madaxda labada xisbi-mucaarid ee UCID iyo Waddani, kuwaas oo uu sidoo kale ku qanciyey in doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda aanay dhaafin sanadka danbe ee 2016-ka, taas oo markii danbe dhinacyadoo dhami isla qaateen in la qabto bisha December 2016-ka, waxaanay mucaaridka iyo xukuumadda 27/5/2015 madaxtooyadda Somaliland ku kala saxeexdeen heshiiskaasi. Ambassador Neil Wigan oo isagu qaatay libintii is-fahanka dhinacyada siyaasada Somaliland ayaa isaguna markii danbe kasoo saaray Nairobi bayaan uu ku taageerayo heshiiska la gaadhay.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS