haatuf.net
Axmadow:- Miyaad Xuutaysan-Tahay!!! A.A. Cige
June 28, 2015 - Written by Admin Two

Afhayeenadii soo maray Madaxtooyada Somaliland shantii sano ee Madaxweyne Siilaanyo talada dalka hayey, ask inkastoo ay ku kala duwanaayeen xidhiidhada is-dhexgal ee ay la leeyihiin qaybaha saxaafada dalka (interaction), allergist balse waxa falaadh ama caqabad ku ahayd inay si hufan uga jawaabaan marka la waydiiyo sababta Madaxweynuhu uga maago inuu shir-jaraa’id oo su’aalo lagu waydiiyo uu shacabka iyo saxaafada la soo hor fadhiisto, cough inkasta oo arintaa loo sibir saari karo duruufo muuqda oo dad badani ka dharagsan yihiin balse Afhayeenada iyo Saraakiisha xukuumadu ay afka ka dhawraan oo ah in Madaxweynuhu aanu qaadi karin su’aalo tiro badan.
Dhawaan ayay ahayd markii ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah Wariyeyaal ka qaybgalay socdaalkii Madaxweynuhu Ethiopia uu kaga soo noqday in loo diiday inay su’aalo waydiiyaan madaxweyne Siilaanyo markii uu hadalka dhamaystay, waxaanay suxufiyiintaasi oo aan ka mid ahaa ku cambaaraynay inuu naga hor istaagay Afhayeenka Madaxweynuhu su’aalahaasi balse Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isagu intii aanu Madaxweynuhu soo galin qolka VIP-da ee warbaahintu ay u diyaargaroobaysay qalabkoodana ay rakibanayeen ayaa waxa uu u sheegay in aan Madaxweynaha Su’aalo la waydiin doonin isagoo ku sababaynayey tirada wariyeyaasha goobta taagnaa awgeed, hase yeeshee waxa hadalkaasi mudo kooban uu buuq kala dhex dhigay Saxafiyiintii iyo Afhayeenka.
Hadaba Arintan ayaa waxa ay i xasuusisay hadal meel aan u qaado aan garan waayey oo uu ku tiraabay Afhayeenkii hore ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) markii aan su’aal (Off the Record) waydiiyey.
“Saacadu waxay ahayd qiyaastii 1:00pm habeenimo, waxaana gabogabo ku sii dhawaa shaqadii habeenkaa aanu ka haynay wargeyska Xayiran ee Haatuf oo aan Tifaftire ka ahaa.
Waxa albaabka hore ee xarunta Wargeyskaa ka soo galay wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo markaa ahaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, waxaana la socday xoghayihiisa.
Mr Cukuse markii uu gudaha usoo galay Xafiiskii aanu ku shaqaynaynay ee uu na salaamay, ayaa waxa uu noo sheegay inuu flash ku sido war Madaxweynaha ah waxa uu xoghayihiisii ku yidhi “Naasirow u dhiib flashta ha kala baxaan codka warka’e” markii aan flashta warku ku jiro aan galiyey Computer-kii i horyaalay ee aan dul-fadhiyey ayaa waxaan Afhayeen Cukuse waydiiyey “Cabdilaahi ma adigaa ka soo duubay Madaxweynaha, haduu shir-jaraa’id yahay oo aanu Waraysi ahayn maxaad saxaafada ugu yeedhi wayday su’aalo ha waydiiyaane?” Afhayeenka oo markaasi aan ka dareemay cadho iyo inuu ka gilgishay su’aashaasi aan waydiiyey, ayaa waxa uu iigu jawaabay “Axmadow Miyaad Xuutaysan-tahay?”.
Hadaba, Xuutaha uu wakhtigaasi Cukuse sheegayey ma Suxufigii saaxiibadiisa warbaahinta difaaci jiray ee runta iyo dhaliilaha sheegi jiraybaa mise Xuutaha hadda (Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ah……..).
“Ma Raydabtaan raydabtii ahayn……, Ma Rimaygu Ka Soo Dhacdiibaan Run Sheegayn”

F.G: Warka su’aasha keenay ee Ex Afhayeenka Cukuse ka cadhooday waxa uu ahaa Madaxweyne Siilaanyo oo xili dambe oo habeenimo ah dagaal afka ah ku qaaday Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo eedaha uu u jeediyey ay ka mid ahayd in la og yahay in Faysal uu basaasi jiray ururkii UFFO.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS