haatuf.net
Madaxweyne Silaanyo Oo Barri U Socdaalaya Sucuudiga
June 30, 2015 - Written by Yuusuf Gaboobe

Hargeysa June 30, order 2015(Haatuf)-Madaxweynaha Somaliland ee mudo-xileedkiisu dhamaaday Axmed Siilaanyo aya la filaya in uu barito u dhoofo dalka Boqortooyada Carbeed ee Sucuudiga kadib marki sida la sheegayo uu martiqaad ka helay Mamlakadda.Siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen Mr Silaanyo iyo xubnaha wafdiga raaci doona aya waxay ku tagi doonaan dalkaasi Visa Cimra ah .Lama garanayo sababta visa heer madaxeed ah loogu maamusi waayey ama isagu ugu adkaysan waayey in loo sameeyo sidii uu yeelay marxum Maxamed Haaji Ibraahim Cigaal marki uu ahaa madaxweynaha dalkan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS