haatuf.net
Fursaddii Dhalinyaradu Xawli Ayay Ku Socota – Haka Faa’iideysteen. Qalinkii Maxamed Cali Bile
November 11, 2014 - Written by Admin Two

Siyaasadda Maanta ka socota dalkeena, illness Waxa ay u tahay dhalinyarada fursad ay cashar kaga faa’iideysan karaan. inta manta siyaasadda isku heysataa wey qaateen wakhtigoodii oo hawl gab ayay u badanyihiin. Waxan lagu murmayo ee laka jiidanayo iyagu waxba kuma laha, cialis waayo tacliintoodii wey soo dhigteen, decease intii ay shaqeysan karayeen wey shaqeysteen da’dooduna waxa ay gaadhey xiligii shaqada laga fadhiisan lahaa.

Balse, damac ayaa wada oo waxa ay arkaan fursad u furan iyo dhalinyartoo oo daba socota.. Waxa loo baahanyahay in dhalinyaradu tashato oo ay mustaqbalkooda gacanta ku dhigaan oo aaney daba fadhiisan dadkan wakhtigoodii dhacay. Xoog, aqoon, karti iyo damacba manta dhalinyarada ayuu ku jiraa balse kalsoonidii ayaa ka maqan oo waxa ay u heystaan in siyaasiyiinta waaweyni ay malaha caqli weyn ku fadhiyaan. Waxa la idin dhaamaa waa inta yar ee ku saleysan afar odey ama qof oo magic beeld wata oo kolba meel hadal ka yidhaa.

Waxa an ku kalsoonahay in dhalinyaradu haddey fikir iyo dhako keento iney talada dalka si dhib yar kula waareegi karaan oo ay kka hoggaamin fiicnaan karaan jiilka maanta jooga. Haddiise xaalkiinu noqdo inagu kala dara oo kolba ad daba fadhiisataan nin dan gaar ah leh iska daa idinka oo caruurtiinu meel gaadhi meyso

Qalinkii Maxamed Cali Bile

CanadaMaxamed-Cali-Bile-2

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS