haatuf.net
Booba Yaa Waddani? Haatuf Staff Writer
July 2, 2015 - Written by Admin Two

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawiradda laba guri oo ku kala yaala Hargeysa iyo Birmingham oo uu lacag badan ku iibsaday wasiirka duulista Maxamuud Xaashi.

Guriga uu ka iibsaday magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu qoyskii ku jiri-jiray siiyey jagooyin iyo lacag lagu sheegay $170, rx 000, link waxaana dhulka lala simay gurigii hore ee dhulkaa uu iibsaday ka dhisnaa, isla markaana waxa goobtaas laga dhisay guri-wayn oo bangalo ah oo wali uu dhismihiisii socdo.

Waxaananu halka hoose idiinku soo gudbin doonaa sawiradda guriga intii aan la dumin iyo guriga cusub ee laga dhisayo-ba iyo walibana guriga uu wasiirka duulistu ka iibsaday magaaladda Birmingham oo aanu hore idiinku soo gudbinay.

Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu ka mid ahaa labaataneeyo inan oo uu Ethiopian-ku horaantii 1985-kii ururkii SNM ka ogolaadeen inay dugsi milatari oo ku yaala agagaarka magaaladda Herer ku siiyaan tababarka dagaalka Guerilla-ha ah. Tababarkan waxa uu ka mid ahaa tababaro badan oo qayb ka ahaa Istaraatiijiyad balaadhan oo socotay oo ururkii SNM ku diyaarinayey inuu yeesho Kaadir  (Cadre) ka dhisan xaga aqoonta milatari iyo siyaasadeed-ba oo u carbisan ilaa isticmaalka hubka culus oo ku-talo-galku ahaa in mustaqbalka laga qabsado cadawga.

Maxamuud Xaashi ayaa intuu xeradii tababarka fasax ahaan uga fakaday ayuu faqashtii u galay, isagoo sita qorigii SNM, waxaana cafis Maxamed Siyaad Barre uga soo qaaday Saleebaan Gaal.  Mujaahidiintii ay xerada Hamaraysa tababarka ku wada qaadan jireena badankoodii waxay ku shihiideen halgankii dib u xoraynta ee dalkan. Ragii uu xeradda Hamaraysa kaga tagay kuwa maanta kasii nool waxa ka mid ah muj. Cismaan Dhako iyo Cali Cabdi-dheere (Cali Abaanish) oo labadooduba Hargeysa camal la’aan la fadhiya iyo muj. Xasan Aw Cali (Xasan Sandheere) oo isagu karaani ka ah madaarka Egal International Airport ee uu maamulo wasiir Maxamuud Xaashi.

Bishii April 1988-kii markii uu dhacay heshiiskii Siyaad Barre iyo Mingiste Xaylamaryan ayaa guddoomiyihii ururka ee xiligaasi Axmed Siilaanyo waxa uu hogaamiyaha Ethiopia ka aqbalay in ciidamadda SNM dib looga soo raro fadhiisimihii ay ku lahaayeen xadka dushiisa iyo hoostiisa  oo la dajiyo 60KM oo  gudaha Ethiopia ah. Markii uu dhacay go’aankii ay SNM kusoo gali doonto dalka bishii  May 1988-kii waxa yar ka hor ayaa guddoomiyihii SNM Axmed Siilaanyo oo kasoo horjeeday go’aankaasi degdeg ugu dhoofay London, halkaas uu ku maqnaa xiligii ugu adkaa ee bulshadda reer Somaliland soo mara abid.

Waxyar ka dib markii dalka si kama dambays ah ay SNM uga xoraysay taliskii Siyaad Barre ayaa Axmed Siilaanyo intuu London kasoo duulay waxa uu Madaxwaynihii u horeeyey ee Somaliland C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) ku qanciyey inuu Maxamuud Xaashi u magacaabo maayarka magaaladda Burco.

Shirkii Hargeysa ee 1996-kii ayey Maxamuud Xaashi waxay beeshiisu u dooratay inuu noqdo xubin Golaha Wakiiladda ka tirsan. Waxaanu ka mid noqdoy xildhibaanadii sida xagjirka ah mucaaridka ugu ahaa xukuumadii Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo sanadihii u horeeyey ee xukuumadii madaxwayne Rayaale.

Balse si lama filaan ah ayuu uga goostay kooxihii mucaaridka, waxaanu madaxwayne Rayaale waydiistay inuu ku daro liis xildhibaano ah oo Visa loo waydiinayey safaaradda UK ee Adis-ababa isla markaana uu tigidhka ka bixiyo.

Maxamuud Xaashi ayaa markii uu isku hubsaday wadanka UK qaxoonti ahaan iskaga dhiibay dalkaasi, halkaas oo uu daganaa ilaa waxyar ka hor doorashadii madaxtooyadda ee 2010-kii ee uu ku guulaystay Mr Siilaanyo, kaas oo Maxamuud Xaashi ka dhigay wasiirkiisa duulista oo uu ilaa imika yahay.

11004028_10206025504907045_985450569_n10979474_10205179607146308_1309283264_nguuleed-axmed-jaamacguuleed-axmed-jaamac

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS