haatuf.net
Xarunta Guud Ee HCTV Oo Mudo 10 Sano Ah Markii Ugu Horaysa Dib Casriyeyn Balaadhan Lagu Sameeyey+Daawo Sawiradda
July 4, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, abortion July 4, ed 2015 (Haatuf) – Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV ayaa xaruntiisa guud ee magaaladda Hargeysa ka dhisanaya Istuudiyoo (studio) heer caalami ah oo casri ah isla markaana loo farsameeyey qaabka loo dhisao xarumaha telefishanada caalamiga ah ee dunida.

Telefishanka Horn Cable Tv oo ah hay’adda warbaahineed ee ugu afka-dheer telefishanada soomaalida, apoplectic ayaa mudadii uu jiray soo maray marxalado kala duwan oo waayahooda watay isla markaana horumar balaadhan sameeyey mudadii uu jiray.

Sida uu noo sheegay Madaxa Barnamijyada ee HCTV Maxamed Axmed Muuse Kuraase oo aanu maanta xafiiskiisii magaaladda Hargeysa ku booqanay, kaas oo tillmaamay in barnaamijyadii ka bixi jiray telefishankaas ayaa kor loo qaadi doonaa tayadooda, kuwaas oo wakhtiyo go’aan imika wixii ka danbeeya sii dayn-doono isla markaana hordhacyo caalami ahna loo diyaarin-doono ramadaanta ka dib, si buu yidhi uu ula jaanqaado hawlihiisa shaqo. Waxaana sida uu sheegay Maareeyaha HCTV Mr Kuraase hawlihii warka iyo barnaamijyada ee TV-gaasi loo wareejiyey inta ay socoto dib u casriyeynta studio-haasi  oo laga soo baahin doono xarumaha ay ku leeyihiin magaalooyinka London, Nairobi iyo Muqdisho.

Sidoo kaleMadaxa Barnamijyada waxa uu intaas ku daray in ramadaanta ka dib uu barnaamijyo cusub iyo kuwii hore ee ka bixi jiray tv-gaas oo kor loo qaaday tayadoodu isla markaana u badan barnaamijyo arrimaha bulshadda ku taxaluqa inay usoo gudbin doonaan macaamiishooda dacalada dunida ku kala nool, kuwaas oo ay mid noqon doonaan kuwa ka hadlaya caafimaadka, waxbarashadda, biyaha,Mawelada Caruurta, Dhalinyarada, Arimaha Bulshada,deegaanka, documentary-yo cusub, doodo ay sidoo kale ka qaybqaadan doonaan bulshadda tiradda badan ee ku xidhan baraha internet-ka ee ay bulshadu ku kulanto (social media) sida Facebook, Twitter, Skype-ka  iyo waliba barnaamijyo diini ah IWM.

Isku soo wada duuboo Telefishanka HCTV ayaa saamayn-balaadhan ku leh siyaasadda soomaalida, kaas oo si muuqata looga dheehdo hadba xaaladaha ka taagan dhulka Soomaalida iyo guud ahaan dhacdooyinka ugu waawayn dunidda, isla markaana bulshadda usoo bandhiga xaqaa’iqa dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee ka taagan gayiga soomaalida oo dhan.

Dhinaca kale sida uu noo sheegay Madaxa Barnamijyada HCTV dhamaan qalabkii iyo agabkii ay hore ugu hawl-gali jireen shaqaalaha TV-ga ee ka hawlgala Somaliland, Somalia, Puntland, Kenya iyo guud ahaan meelkasta oo ay ka hawlgalaan hawl-wadeenadda HCTV, kuwaas oo imika wixii ka danbeeyey ku wada hawl-gali doona qalab-casri ah oo la jaan-qaadi doona warbaahinta dunida horumartay,waxa kale oo qayb ka ah Horumarka dhinaca isbadelka lagu samayn doono Xafiisyada Magalooyinka Djibouti iyo Jigjiga, sidoo kale waxa si xawliya u bilaabmaya todobaadyada soo socda Barnamijyo si heer caalami ah loo diyaariyey.

Sidoo kalena isbadelka socda ayaa saamayn ku yeelan doono dedaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada Suxufiyiinta, Farsamoyaqaniinta Guud ahaan HCTV waxaanu noqonaya hawshani socotaa 10 sano hawlgalkii ugu balaadhana ee lagu sameeyay HCTV iyadoo dhamaan hawlahaasina la furi doono marka ay dhamaato bisha Ramadaan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS