haatuf.net
Wasiirka Madaxtooyadda Oo Fadeexad Mug-Wayn Oo Dul-Hooganaysa Xukuumadda Siilaanyo Kula Galgashay Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga S/land
July 4, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, allergy July 4, 2015 (Haatuf) – Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa kolkii u horaysay ka hadlay warqad sir ahayd oo ka fakatay dhawaan markii la jabsaday ama dibada la soo dhigay qoraalo sir ahaa oo u kaydsanaa wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga.

Wasiir Xirsi oo daba socday warqadaasi ayaa sheegay in aanay xukumadda Siilaanyo wax heshiis ah oo midmo Somaliyeed ayna la galin, waxna uu sheegay in wasiirkii arimaha dibada ee xiligaasi oo ahaa Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu glay khladaad badan oo aanu cidna kala tashan taasina waxa ay sababtay ayuu yidhi in uu xilkiisii waayo.

Waxana uu wasiirka madaxtooyadu uu sheegay in dhawaan wafti uu madaxweyne Siilaanyo uu hogaaminayaa ay tagi doonaan dalka Sucuudi Carabiya, manuu cayimin wakhti go’an iyo sababaha uu madaxweynahu uu dalkaasi u tagaayo toona in ay tahay Cimro iyo in ay tahay safar shaqo toona

Hadba todobaadkii hore ayay soo shaacbaxday in Shebekadda caanka ah ee Wikileaks ayaa baahisay qaybtii kowaad ee dokumentiyada xasaasiga ah ee qarsoodiga ah “Saudi Cables” 19kii juun 2015. Saddex cisho gudahood ilaa 22kii juun waxay dokumentiyada liigay ee shebekadaasi baahisay gaadheen 61,214 dokumenti, kuwaasoo dhammaantood hadda laga akhrisan karo intarnetka (online).

Dokumentiyadaas oo wada asal ah ayaa la rumaysan yahay, inay shebekadda wasaaradda arrimaha debedda ee Sucuudiga ay ka jabsadeen bishii may 2015 koox isku magacawday ‘Yemen Cyber army’. Khubarada falanqaysay dokumentiyadani waxay isku raaceen, in kooxdani aanay ahayn Yeminiyiin, laakiin ay khalkhal gelinayaan xukuumadda Riyaad.

Dunida carabta ayaa aad looga xiiseeyay dokumentiyadan ka fakaday xukuumadda sucuudiga. Jariidadda Al-akhbar ee ka soo baxda dalka Lubnaan ayaa bogageeda hore joogto ugu baahisay mawduucyo badan oo la xidhiidha dokumentiyada ka liigay wasaaradda arrimaha debedda Sucuudiga.

Haddaba dokumentiyada liigay waxa ka mid ah dokumenti asal ah oo ka soo baxay mukhaabaraadka Sucuudiga, kaasoo caddaynaya, in xukuumadda Somaliland la saxeexday 18/02/2012 dawladda federalka Somalia, Puntland iyo maleeshiyooyin kale dhismaha dawlad midaysan, baarlaman iyo distuur federal ah.

Mana jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay wasiirkii hore ee arimaha dibada ee Somaliland oo ay madaxtooyadu dhabarka u saartay fadeexdaasi taasi oo ay sheegtay in uu xilkiisa ku waayay heshiis qarsoodi ah oo aanu cidna kala tashan oo ku saabsan arimaha fadaraalka.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waa ay noo suurtoobi wayday, halkani hoose ka akhriso warqada laga helay sirta laga jabsaday wasaarada arimaha dibada ee dalka Sucuudiga.Source:Qaran.Sucuudi

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS