haatuf.net
“Walaahi Xasanow Haddaynu 42 Mudane Ku Istaagi Lahayn Innaga Ayaa Bedbaadi Lahayn, DUBAI-dan Kiishka Loo Toshayna….”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
July 4, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, stuff July 4, physician 2015 (Haatuf) – Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo katirsan Aqalka Mudanayasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga dayriyey xaaladda Guud ee Dalku xilligan ku sugan yahay, waxana uu xukuumadda ku eedeeyey mid musuq iyo wax isdaba-marini aafaysay. Siciid Cilmi Rooble oo u warramay Telefishanka Star Tv, ayaa sidoo cambaareeyey tallaabo ciidamada ilaalada madaxtooyadu jidh-dil ugu geysteen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Wakiillada katirsan, kaas oo sheegtay in waxyeello daran la gaadhsiiyey. Ugu Horrayn Xildhibaanka oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Eedo isbarkan dusha ka saaraya, ayaa Hadalkiisa ku bilaabay, “Dawladnimadeenii toos baa loo baabi’iyey, Qaran-nimadii toos baa loo baab’iyey, kun wax oo qaldan baa jira Fawadada waddankan la geliyey waa kamid. Musuqmaasuqa la caadaystay waa kamid ah, Dhulkan la wada boobayaa waa kamid ah, Lahaanshiyahan gaar ahaaneed ee Qoysnimo waa kamid ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Siciid Cilmi Rooble waxa uu ku hanjabay inuu abaabuli doono Mooshin xukuumadda ka dhan ah haddii muddo saacado gudahood ah jawaab lagaga bixin waayo waxyeellada la sheegayo in xildhibaan Xasan Cawaale Loogu geystay xarunta Madaxtooyada, waxana uu yidhi, “Haddii 24-saacadood lagu soo xidhi waayo ciddii falkaas geysatay, haddii ay taliye tahay, haddii askari tahay, haddii ay tahay cidkasta oo arrintaas talo ku lahayd jawaab lagaga heli waayo xukuumadda waxan ballan ku qaadayaan in Golahaa maalinta la furo in madaxweynaha iyo xukuumaddiisan taagta daran leh ee awoodda la’ ee aan shaqaynin ee Xilgudasho la’aantu ku dhacday inaanu mooshin kasoo dhigno.” Siciid Cilmi Rooble waxa uu xildhibaanka Waxyeellada la gaadhsiiyey cod dheer ugu sheegay inuu sabab u yahay dhibta gaadhay, isagoo sababtana ku sheegay inuu in badan kasoo horjeestay Qorsheyaal Golaha wakiilladu abaabulayey oo Xukuumadda lagula xisaabtamayey, “Xasanow adigaa halkaas isdhigay, 42-mudane haddii aynu halkaas ku istaagi lahayn wallaahi dalkaasaa badbaadi lahaa oo annagaa badbaadi lahayn oo Abu dudai-dan kiishka loo toshay baa badbaadi lahayd oo Berberaa Badaadi lahayd, Kontankaasow halkaas xasan lagaga tegay uun baa idiin dambaysa.” Ayuu yidhi Siciid Cilmi Roobel. Hadalka Siciid Cilmi Rooble, ayaa kusoo beegmaya xilli xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Xisbiga Kulmiye katirsani laba maalmood ka hor ciidamada madaxtooyada dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyeen, waxana isasoo taraya Xildhibaannada Arrintan cambaaraynaya.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS