haatuf.net
Hogaanka Isbahaysiga Mucaaradka Oo Xukumadda Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Heshiis Midnimo La Gashay Somalia Sanadkii 2012
July 6, 2015 - Written by Admin Two

Isbahaysiga mucaaridkaHargeysa, clinic July 6, apoplectic 2015  (Haatuf) – Hogaanka ugu sarreeya Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa xukuumadda ku dhaliilay waraaqo sir ah oo muujiyay in xukuumaddu heshiis midnimo la gashay dawladda Somalia iyo maalmul goboleedada hoos taga.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay waraaqo laga jabsaday Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo Shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks baahisay, kuwaasi oo laga dhex helay warqaddo rasmi ah oo muujinaya heshiis Xukumadda Somaliland la saxeexatay Somalia.

“Waxa jiray waraaqo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga, waraaqahaas faraha badan ee laga helay Sucuudiga waxaa ka mid ah xog  la helay oo ku saabsan in Xukumadda Somaliland February 18-keedii 2012-kii ay dawladda Somalia,Puntland iyo maamul goboleedo kaleba heshiis la saxeexatay inay Somaliland ka mid noqoto Federalka Somalia” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu sheegay in arrintani ka soo horjeedo qarannimada Somaliland “Runtii warkaasi waa mid ka soo horjeeda Qaranimada,dastuurka iyo aftidii shacabka Somaliland ee 97% isku raaceen inaanay madax banaanidoodu marnaba gorgortan gali karrin. Waxaa ayaan darro ah in Xukumadda Somaliland marar badan mucaaradka ku eedeysay inay Federalka Xidhiidh la leeyihiin laakiin, waxaa hadda soo baxay Dhukumenti rasmi ah oo meelo rasmi ah ka soo baxay oo dawladdo ka soo baxay.

Waxaa intaas dheer in sida qalabka warbaahinta Somaliland baahisay xukumaddu arrintaas qiraal ka samaysay oo aanay dafirin, iyadoo eeda iskaga riixaysa wasiir ka tirsanaan jiray Xukumadda(Maxamed Cabdillaahi Cumar), waxay ila tahay wasiirkaasi wasiir uun buu ka ahaa xukumadda wuxuuna ku shaqaynayay Siyaasadda dawladda. Wasiirka in la bedelo ayaa marar la soo jeediyay laakiin, madaxweynuhu wuxuu ku dhaartay inaanu waligii bedelayn inkasta oo uu markii dambe bedelay. Shacabka Somaliland warkaas baanu u sheegaynaa, wixii talo ah waanu urursanaynaa,waxgaradkeeda salaadiinteeda, aqoon yahankeeda, diyaasiyiinteeda wixii arrintaas laga yeelayana mar dambe ayaanu u soo bandhigi shacabka Somaliland” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Sidoo kale Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa isna ka hadlay arrintan “Warqaddaas sirta ah oo aanay dafirin xukumadda Somaliland, oo ay eedana dusha ka saartay wasiirkii hore ee khaarajiga ayaa horta ah ajandaha aanu iskugu nimid.waxaynu ognahay Xukumadda Somaliland markii ay xilka la wareegtay waxay tidhi Siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland waanu bedelnay iyagoon shacabka u sheegin waxay ku bedeleen. Waxaynu ognahay in halkii Citiraaf laga raadin lahaa ay dadka ku mashquulisay Xukumaddu wada hadalo ma dhalays ah oo sii soco iyo soo soco ah, taas oo muujinaysa oo hadda ay shaxdu iskugu kaayo xidhayso inay wixii ay u socdeen tahay arrinkan uun, heshiiskaa ay February 2012 dhacay uun sidii loo fulin lahaa laga shaqaynayay” ayuu yidhi Mudane Jamaal.

Hogaamiyaha Madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa isna ku macneeyay arrintan khiyaamo qaran “Waxa weeye dambi haddii la galay kii ugu weynaa, waa khiyaamo qaran, doorasho dib u dhacday macno ma lahaateen laakiin, waxa loogu dheggan yahay waa taas Illaahay maanta soo saaray. Umadda waxaanu u sheegaynaa inay u diyaar garowdo siday madaxbanaanideeda ula soo noqon lahayd, way baxdaye, way iibsantay waxay goysayba, sabab noqon mayso hebel baa sidaas yidhi oo aanu sidaad ku erinay, waxay ahayd in markay ogaadeen qabtaan oo maxakamad taagaan haddii iyagu daacad ka yihiin, arrin yar oo iska sahlan maaha ee ninka isagoo wasiir ah magaca somaliland ku saxeexay federal ayaanu ka mid noqonaynaa dawladda Somaliland ayuu wakiil ka yahay, madaxweynahana waa ka wakiil, haddaanu Madaxweynuhu ogayn waxa wasiirkiisu qabanayo dee wuxuu ku maqan yahay garanmaayo” ayuu yidhi Xasan Guure.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS