haatuf.net
Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Oo Khiyaamo-Qaran Ku Eedeeyey Madaxwayne Siilaanyo
July 6, 2015 - Written by Admin Two

“Dawladani Ma Doonayso Inay Somaliland Ka Danbayso Oo Waxa Muujinaya taas….., discount Madaxwayne Siilaanyo Waxa Uu Jabiyey Qodobkii Ugu Horeeyey Ee Distuurka Jamhuuriyada Somaliland”Jamaal Cali Xuseen

 

Hargeysa, July 6, 2015 (Haatuf) – Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba ku eedeeyey khiyaamo-qaran, kaas oo sheegay inuu madaxwaynuhu jabiyey qodobka ugu horeeya ee distuurka Somaliland isla markaana ay xukuumadiisu ku talaabsatay arrimo ka dhan ah madaxbanaanida iyo qaranimadda Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu tilmaamay inaanay dawladda talada haysaa aanay doonaynin inay Somaliland ka danbayso, kaas oo walaac ka muujiyey xaalada uu dalka marayo wakhtigan oo uu ku sifeeyey mid khatarteeda.

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Mr Jamaal waxa kale oo uu sheegay inay dhex-dabaalanayso xukuumadda Siilaanyo fadeexado horleh, kaas oo nasiib-daro ku tilmaamay xogihii ay dhawaan kashiftay shabakadda Wikileaks ee ay ka jabsatay sirdoonka dalka Sucuudiga, taas oo  iftiimisay heshiis midnimo oo 18-kii February 2012-kii ay kala saxeexdeen Somaliland, Somalia iyo Puntland. Waxaanu sidaasi ku sheega Jamaal Cali Xuseen mar uu maanta hadal ka jeediyey shir ay iskugu yimaadeen Is-bahaysiga mucaaridka Somaliland. Ugu horayna isagoo ka hadlaya ajandaha shirka waxa uu yidhi “Ajandaha ugu wayn ee aanu ka wada hadlayno dhamaantayo waa warqadii sarta ahayd ee ay faafisay shabakadda Wikileaks oo sirdoonka Sucuudigu ay ku sheegeen in February 18-keedii 2012-kii ay shir ay galeen dawladda Somaliland, Somalia iyo Puntland ay ku saxeexeen inay midnimo federaal ah sameeyaan. Warqadaas sirta ah oo aanay dafirin xukuumadda Somaliland isla markaana ay eedaas dusha ka saartay wasiirkii hore ee Khaarajiga Dr Maxamed C/laahi Cumar. Waxaynu ognahay in xukuumadda taladda haysa ee Somaliland mar ala markii ay talada dalka la wareegtay waxay markiiba ku dhawaaqday inay badashay siyaasadii arrimaha dibadda, iyadoo aan u sheegin shacbiga Somaliland sababta keentay inay wax ka badalaan siyaasadii khaarajiga. Iyadoo aynu ognahay in xukuumaddii hore ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin inay geed-dheer iyo mid gaaban-ba u fuushay sidii ay aqoonsi ugu heli lahayd Somaliland oo beesha caalamkuba way qiraysaa dadaalkaas xukuumadii UDUB ay ka samaysay qadiyada Somaliland”.

Isagoo hadalkiisa sii wata Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas raaciyey “Waxa kale oo aynu ognahay in mudadii shanta sano ahayd ee xukuumadda Siilaanyo talada dalka haysay in xagii ay bulshadda horumarkooda ka shaqayn lahayd ay inagu mashquulisay wada-hadalo ma-dhalays ah oo ay la gashay xukuumadda taagta daran ee Somalia oo ay mudadaasi ku jirtay sii soco oo soo soco”.

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata eedo horlehna u xambaarinaya madaxwayne Siilaanyo waxa uu yidhi “Madaxwaynaha Somaliiland waxa uu jabiyey qodobkii ugu horeeyey ee distuurka Jamhuuriyada Somaliland oo Madaxwaynuhu waxa uu u dhaartay shacbiga Somaliland oo wuxuu yidhi ‘waxa igu walaahi ah oo igu bilaahi ah’ inaan daacad u noqonayo dalkayga iyo dadkayga oo aan daacad u noqon doono midaynta bulshadda oo aan ka midho-dhalinayo qadiyadda Somaliland. Markaa wixii horeba waa bikh baan leeyahay oo dalkeenii meel-xun buu marayaa. Mida kale dawladani ma doonayso inay Somaliland ka danbayso oo waxa muujinaysa taas sida ay u dhaqmayso xukuumadda Siilaanyo, markaa arrinta go’aanka dalku cida uu sida dhabta ah uga go’aa waa shacbiga, anaguna wixii hogaamin ah wixii nagala gudboon waanu kasoo saari doonaa labadayada xisbi-mucaarid iyo madashu maalmaha soo socda”.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkaas oo dhamaystiran:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS