haatuf.net
Magacyada Xubno Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Iyo Kuwa Aan Xil ka haynin Oo Dawladda Ingiriiska Dacwad Looga Gudbiyey & Nuxurka Eedaha Loo Haysto
July 6, 2015 - Written by Admin Two

“Waxaannu Haynaa Xogta Lacago Badan Oo La Soo Dhacay Oo London, stomach Berminham Iyo Dubai Ba Guryo Lagaga Iibsaday, price Kiisaskooda Waannu Haynaa Oo Waannu U Gudbinnay Ingiriiska”Siciid Xaaji Axmed Qulumbe

 

London, July 7, 2015 (Haatuf) – Masuuliyiin sar-sare oo kala duwan oo ka tirsan dawladda Somaliland, ayaa Dacwad ka dhan ah waxaa loo gudbiyey dawladda Boqortooyada Britain, kuwaasoo eeddooda lagu sheegay mid la xidhiidha kacdoonno siyaasadeed, qas nabadgelyada waxyeellayn kara iyo arrimo musuqmaasuq.

Xubno ka tirsan Siyaasiyiinta Masasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo Safar ku jooga magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay kulan la yeesheen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Britain, isla markaana ay Dacwad ka gaadhsiiyeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo haysta dhalashada dalkaas, kuwaasoo ay sheegeen inay ku eedeeyeen qas ay ka wadaan Somaliland.

Waxay xubnahani sheegeen inay Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska Dacwad uga gudbiyeen Masuuliyiin Xukumadda Siilaanyo ka tirsan iyo Guddoomiyaha Guurtida, kuwaasoo haysta dhalashada Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ah. Xubnahan ayaa Madaxda ay Dacwada ka gudbiyeen ku eedaynaya inay dalka qas ka wadaan.SIYAASIYIIN KA TIRSAN MADASHA WADA-TASHIGA SOMALILNAD IYO WASAARADDA ARRIMAHA DIBEDDA INGIRIISKA

Siciid Xaaji Axmed Qulumbe iyo Siciid Good oo ku hadlayay Afka Madasha Wada-tashiga, ayaa Shir Jaraa’id oo ay London ku qabteen ku sheegay in Ingiriisku la qaatay Dacwadda ay ka gudbiyeen Xubnahaasi; “Waxaannu la kulannay Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska, waxaannu u tagnay Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Saaxiibbada Somaliland, waxay ahayd ballan muddo aannu sugaynay oo runtii waxyaabo badan baannu kala hadlaynay.”

“Waxaannu kala hadalnay inay jiraan dad badan oo Muwaaddiniin Ingiriis ah (British Citizens), kuwaasoo Somaliland dhibaato ka wada halkanna (Ingiriiska) deggan. Nimankaas Faylashoodii iyo Magacyadoodii oo dhan halkan baannu ku haynaa oo Nuqullo ayaannu u gudbinnay Ingiriiska.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Axmed Qulunbe.

Waxaanu Siciid oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Waxaannu haynaa xogta lacago badan oo la soo dhacay oo halkan England, London, Berminham iyo Dubai ba guryo lagaga iibsaday, kiisaskooda waannu haynaa oo waannu u gudbinnay Ingiriiska. Muhiimadda ugu weyni waxa weeye sidii nimankaas labada Jinsiyadood leh ee Baasboorka Ingiriiska haysta ee Guddoomiyaha Guurtida oo ah ninka Guurtida haysta ee waddanka qasayaa ka mid yahay, oo uu ka mid yahay Xirsi oo u dambeeyay oo qaatay Basaboorka Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Wasiirka Duulista, oo Baashe Cawil (Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay) ka mid yahay oo Marwada Madaxweynuhu ka mid tahay, inay waddanka Somaliland dad noocaas ah oo laba Jinsiyadood haystaa ka wadaan qas ayaannu kala hadalnay.”

Muxiyaddiin Good, ayaa isna ka hadlay arrimaha ay kala hadleen Ingiriiska, waxaanu yidhi; “Waxaannu kala hadalnay oo u sheegnay oo iyaguna ay naga aqbaleen oo ay hawshooda galayaan dadkan Somaliland qasaya ee Basaabboorrada Yurub, Ingiriiska iyo Ajanaanebka ah wada sita, waxaanay yidhaahdeen cid kale oo waliba ha qasto, Somaliland laakiin, kama oggolaanayno in Saleebaan iyo Xirsi oo sannadkii u dambeeyay qaatay iyo Innamada afarta ah ee aan is beddelin ee Baasaabboorka Ingiriiska wada sitaa inay dalka dumiiyaan ka aqbali mayno ayay yidhaahdeen, waanay nagu raaceen arrinkaas.”

Xubnahan ayaa sheegay in Ingiriisku soo dhaweeyay kulankan Madasha oo ay danaynayeen, iyadoo xusay inay u sheegeen inaanay u hadal sidii Xisbiga talada Somaliland ah ee KULMIYE u hadli jiray markii aanu talada dalka qaban ee uu Mucaaradka ahaa shan sannadood wixii ka horreeyey.Source: Wargeyska Himilo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS