haatuf.net
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Qiray In Bashe Cawil Hore Uga Tirsnaa Wasaarada Khaarajiga Isaga Oo Aan Xil Haynin
July 6, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, capsule July 7, anabolics 2015 (Haatuf) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland  ayaa mar kale faah faahin ka bixiyay xilka muranka iyo buuqu uu ka dhashay ee madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan u magacaabay wiilka qaba inantiisa Luul.

Wasiir Maxamed Biixi ayaa sheegay in Baashe Cawil yahay shaqsi u qalma in xil loo magcaabo marka laga eegaayo aqoontiisa iyo khibradiisa, bronchi waxna uu wasiir Biixi sheegay in Bashe Cawil Morgan uu in mudo ahba uu ku lamaanaa wasaarada arimaha dibada ee Somaliland oo uu hawlo badan ka soo qabtay isga oo aan wax xil ah haynin.

Waxna uu Mr Biixi sheegay in isga hortii iyo intii uu xilka hayayba uu Bashe Morgan ka qayb qaatay kulamo mihiim ah oo ay wasaarada arimaha dibadu qabatay ama ay samaysay, taasi oo uu sheegay in uu hada leeyahay khibradii uu ku hawl gali lahaa.

Bashe Cawil Morgan oo ah shaqsi ku suntan shirqoolo dhagaraysan iyo kuwo xayiraad iyo cadaadis isugu jira oo uu saararay ama kula kacay qaar ka mid ah saxaafada Somaliland ayaa ah qof axmaq ah oo si qaldan uga faa’iidaysta xilka uu hayo madaxweyne Siilaanyo oo lagu cabudhiyo ama cadaadiyo cidii ay u arkaan in ayna iyaga taageersanyn.

morgan

Waxa dad badan ka argagaxisay in sanadkii hore dalka Imaaraadka lagu arkay wafti uu hogaaminaayo Bashe Morgan oo ahaa heer wasiir oo kulan la qaadnaayay madax ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Imaaraadka, taasi oo aan ku kobaanin halkaasi se Mr Bashe Morgan uu kulamo badan kaga qayb galay meelo badan oo caalmka ka mid ah isga oo matlaaya wasaarada arimaha dibada ee Somaliland.

Magacwoga xiligani ee uu Siilaanyo u magcaabay wiilka uu sodoga u yahay waxa ay salka ku haysaa boobista iyo lunsiga macaawimooyinka ay dalka Imaaraadku ugu deeqi doonaan Somaliland, waxna laga codsnayaa dalka Imaaraadka in ayna aqbalin wiilkaasi oo ah nin ku caanbaxay boob iyo colaad joogto ah oo uu ku hayo saxaafada Somaliland, waxna uu albaabada u soo laabay sadex wargys oo ka mid ah wargysyadii ka soo baxi jiray Hargysa, oo ay ka mid yahay wargyskii ugu weynaa ama caansanaa ee Somaliland ka soo bixi jiray ee Haatuf oo ilaa hada u xaniban Bashe Cawil Moragn.Source:Qarannews.morgan

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS