haatuf.net
Wasiir Warancade Oo Si Badheedh Ah Ugu Tuntay Qodobka 7aad Ee Distoorka Somaliland Kadib Markii Uu Wax Ka Badal Ku Sameeyey Calanka Dalka
July 15, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, July 15, 2015 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo 12-kii bishan July ee todobaadkan shir jaraa’id ku qabtay barxada Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa waxa goobtii uu shirka jaraa’id uu ku qabtay yaalay Calanka Jamhuuriyada Somaliland oo si sharci daro ah oo baal marsan Distoorka Somaliland wax looga badalay Astaamaha iyo Midabada uu leeyahay.

Distoorka Jamhuuriyada Somaliland qodobka 7aad ayaa tilmaamaya “Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle’eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah”.

11702669_10204541420083229_3141297597357400904_n

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade waxa uu si cad iskaga indha tiray oo uu u dafiray in Midabka Hoose ee Calanku uu yahay Casaan Saafi ah oo aanay wax qoraal ah iyo sawir toona ku xardhanayn, isagoo taa badalkeedana uu Wasiirku midabka casaanka ah uu si badheedh ah ugu soo xardhay tiro 1960 ah, taas oo aan ka turjumay midabada iyo Astaamaha calanka Somaliland uu leeyahay ee Dastuurka dalkuna uu qeexay.

Hadaba talaabdan ayaa waxa looga fadhiyaa inay degdeg jawaab cad uga siiyaan shacabka Somaliland,  Madaxweynaha Somaliland, Maxkamada Sare iyo golayaasha Baarlamaanka.

Talaabadan uu qaaday Wasiirka Arrimaha Guduhu ayaan xataa xaq aanu u lahayn samaynteeda Madaxweynaha Somaliland ee shacabku doorteen inuu wax ka badal ku sameeyo Astaamaha Qaranka Somaliland, waxanau dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobka 7aad faqradiisa 4aad ay tilmaantay in wixii wax ka badal ah ee Calanka, AStaanta iyo Heesta Qaranka lagu samaynayo lagu jidayn karo oo kaliya Go’aan Golaha Wakiilada Ah.

Faqrada afraad “Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go’aan Golaha Wakiilada”.

Dhinaca kale mudo haatan laba todobaad laga joogo ayay qaar ka mid ah Wargeysyada dalku ay baahiyeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade uu jabiyey nidaamka sharci ee wada-marista gaadiidka gaar ahaan Wadada weyn ee hor-marta Madaxtooyada ee uu isagu hore wadamaristeeda uu ugu dhawaaqay ayuu hadana uu si khaldan u maray Wasiirku.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS