haatuf.net
Xildhibaan C/Qaadir Jirde Oo Nin Bakoorad Ku Weeraray Magaaladda Liverpool Dhexdeeda
July 15, 2015 - Written by Admin Two

London, stomach July 15, 2015 (Haatuf) – Nin reer Somaliland ayaa shalay galinkii danbe nabaro madaxa ka gaadhsiiyey xildhibaan C/qaadir Jirde magaaladda Liverpool ee qoyskiisu degan yahay dhexdeeda. Xlidhibaanka ayaa sida Haatuf loo sheegay isagoo wadada maraya uu nin bakoorad sitaa laba jeer madaxa kaga dhuftay, taas oo keentay in dhaawacyadii soo gaadhay darteed cisbitaalka loola cararo.

Wali ma cada sababta dhabta ah ee uu ninkaasi weerarka ugu soo qaaday xildhibaanka oo maanta sida la sheegay ay xaaladiisa caafimaad hada fiicantahay. Xildhibaan C/qaadir Jirde oo ka mid ahaa xubnihii Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay xisbigii UDUB ee hadhay ayaa dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS