haatuf.net
“Xukuumadda Maanta Somaliland Ka Talisaa Waxay Garan Weyday Intii Ninkii Dhegaha La’aa Gartay..”Mujaahid Xasan Ciise
July 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ailment July 25, medstore 2015 (Haatuf) – Madaxweyne Xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, viagra ayaa xukuumadda Siilaanyo ku naqdiyay diidmada ay kala hor timid shirka Mucaaradka, waxaanu soo dhaweeyay kulanka maanta u furmay Mucaaradka.

Mujaahid Xasan Ciise oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka labada xisbi ayaa yidhi “Shir gudoonka, Hogaanka labada xisbi qaran iyo xubnaha shirkan ka soo qayb galay oo dhan waxaan ku tahniyadaynayaa shirkan quruxda badan ee haddii Alle yidhaa khayrka qaba ee ay inoo bilaabeen ee inoo fureen waan ku tahniyadaynayaa, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”.

Mujaahid Xasan Ciise oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Qodobada Ajandaha  inoogu jira ka sii hor dhici maayo oo gudo gali maayo, haddii Alle yidhaa wakhti aynu kaga boganno ayaynu u heli doonaa oo aynu ku falanqaynno.”

Mujaahid Xasan Ciise waxa uu xukumadda Siilaanyo u cabbiray sidan “Eray kaliya uun baan halkan ka sii odhanayaa oo ah  Xukumadda maanta Somaliland ka talisa waxaa inagaga filan, inay garan wayday inay sharafta shirkan qaadato, oo ay judhii u horaysay ee la soo hadal qaaday aqbasho oo ay soo dhawayso. Inay intaas garan wayday ayaa inagaga filan. Xukumaddani waxay garan wayday intii Ninkii dhegaha la’aa gartay ee uu yidhi “ Inaan gar daranahay waxaan ku garanayaa dadka oo dhan baa faraha igu soo fiiqaya” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS