haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Heshiiskii Mucaaridka Ay La Galeen Ku Tilmaamay Mid Aan Sharci Ku Salaysnayn, Go’aankii Guurtidu Ugu Kordhisay 22-ka Bilood-na Ku Sifeeyey Mid Aan Gorgortan Gali Karin
July 26, 2015 - Written by Admin Two

“Wixii Ay Xisbiyadu Ku Heshiiyeen Ee Madaxweyne-Xigeenku Ku Dhex-Joogay Waxay Ahayd Heshiis Ah Maslax Siyaasadeed Waana..…”

 

“Go’aanka Guurtidu Waa Sharci, bronchi Waana Dastuuri, Waxaana Layaab Leh In C/Raxmaan Ciro Yidhaahdo Waa Sharci Daro, Iyadoo La Wada Og Yahay In Uu Isagu Ku Fadhiyo Korodhsiimada Guurtida, Kuna Fadhiyey 5 Sanadood Oo Hore”Madaxwayne Siilaanyo

 

Hargeysa, July 26, 2015 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa heshiiskii ay dhawaan mucaaridka la gashay xukuumadiisu ku tilmaamay heshiis aan sharci ku salaysnayn oo ahaa maslaxaad siyaasadeed, kaas oo uu sheegay inaanu badali Karin go’aankii Golaha Guurtidu ugu kordhiyeen 22-ka bilood, kaas oo ugu goojiyey mucaaridku inay u hogaansamaan.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale eedo horleh u jeediyey guddoomiyaha golaha wakiiladda isla markaana guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, kaas oo ku eedeeyey inuu isaguna la mid yahay oo uu muddo-kordhin ku fadhiyo kursigiisa. Waxaanu sidaasi ku sheegay madaxwayne Siilaanyo mar uu maanta warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda isagoo markaa ka dib u amba-baxay gobolada barriga Somaliland. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhamaan bulshadda Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horu marineed oo ka socota meel obadan.

Indhawayd waxaa dhegahayga ku soo dhacayay mucaaradka oo ka hadlaya arimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen,golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.

Arimaha Doorashooyinka waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waa naga diyaar,waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiiladda oo laga sugayo Guddoomiyaha golaha wakiiladda. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waana ka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada.

Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri, waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaanCiro yidhaahdo waa sharci daro, waxaana la wada og yahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimada guurtida, kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu Guddoomiye Ciro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaana waa xallaal iyadoo guurtidu noo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin, dhawaaqyada ka soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland. Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharc idalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.

Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaansanahay,waana ixtiraamaynaa kamanaaan  bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaana aanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraandhirino.

Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay,jiri doontaa waxaana xilka igala wareegi doona dawlad la soo doortay oo sharci ku timaada.Dalkana masuuliyadiisu anagay na saaran tahay, Cidkasta oo sharciga gudub marta oo iska indhatirtaa waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqibkeeda.

Waxaan bulshada Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalintanabadgelyadaiyo inaygacmaha isu,qabsadaan,horumarka dalka”.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS