haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Cadhadii Uu Ka Qaaday Qaraarkii Maxkamadda Sare Kula-Dul Dhacay Saddex Ka Mid Ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare Oo Uu Eryey
July 26, 2015 - Written by Admin Two

Hargeisa, asthma July 26, 2015 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa cadhadii uu ka qaaday qaraarkii maxkamadda sare ka soo saartay dacwadii ay mucaaridku u gudbiyeen 22-kii bishan kula dul-dhacay saddex ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare, kuwaas oo uu xilka qaaday isla markaana uu badalkooda magacaabay 8 garsoore oo cusub.

Saddexda garsoore uu xilka ka qaaday madaxwaynuhu ayaa waxay kala yihiin Yaasiin Xasan Ismaaciil, Axmed Xasan Dirir iyo, Cabdiraxmaan Madar Caraale.

Waxaana sidaasi lagu sheegay  digreeto saaka kasoo baxday xafiiskiiska afhayeenka madaxtooyadda mr Dhuxul oo nuqul ka mid ahaa Haatuf soo gaadhay, taas oo iyada dhamaystirana u dhignayd sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Arkay:                     Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;

Markuu Isku Qanciyey:     In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;

Wuxuu Go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Adan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  8. In Mudane, Yaxye Cali Idiriis, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS