haatuf.net
Daawo: C/Raxmaan-Cirro Oo Naqdiyay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo Ku Eryay Garsoorayaasha Maxkamada Sarre, Kana Jawaabay Eedo Uu U Soo Jeediyay
July 26, 2015 - Written by Admin Two

“Umadda inaan Kuraasida u banayno xaq ayay noogu leeyihiin, price viagra kayga iyo kiisaba” Gudoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

 

Hargeysa(Hayaannews):- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaa-Cirro), ayaa waxa uu sheegay inay umadda reer Somaliland xaq ugu leeyihiin inay kuraasida u baneeyaan isaga iyo Madaxweynuhu,isla markaana waxa uu naqdiyay sababihii uu madaxweyne SIILAANYO u eryay Garsoorayaashii Maxkamadaha.

Cabdiraxmaan-Ciro waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaa-Cirro), ayaa waxa uu iska difaacay eedo uga yimi Madaxweyne SIILAANYO, waxaanu yidhi “Waxaan u malaynayaa inaan la soo helayn meel aan ku idhi Kursigayguna waa xalaal ka madaxweynuhuna waa xaaraan. Madaxweynuhu wuxuu yidhi waddanka anigaa ka masuul ah, anaguna intaas uun baanu lahayn oo aanu ku celcelinaynay. Madaxweyne dalka adigaa ka masuul ah, doorashadii adigaa ka masuul ah, nabad galyadiisa adigaa ka masuul ah ee madaxweyne doorashadii qabo.

“Wax walba wakhti ayay leeyihiin, Waxaanu soo jeedinaynay uun in Madaxweynuhu doorashada qabta.Umadda inaan Kuraasida u banayno xaq ayay noogu leeyihiin,kayga iyo kiisaba (Madaxweyne Siilaanyo)”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Arrinta doorashada xilkeedu madaxweynaha ayuu saran-yahay, Xeerarku 99% waxay ka yimaadaan dawladda, Xeer aan anigu gacanta ku hayaana ma jiro. Sida madaxweynaha iyo Xildhibaanadu ku doodaan 54-Mudane ayay xukumadda ugu jira Golaha ee hadday  Madaxweynaha ka dhab tahay in xeerka la ansixiyo  54-taas Mudane ayaa ku filan, Beri ha amro mudaneyaashiisa kadibna ha la ansixiyo”

“Anigu waan guddoomiyaa ee waxaan gacanta ku hayaa ma jiro, meesha waa la soo dhigaa waa laga doodaa, diyaar baanuna u nahay wixii ku xidhan golaha in nidaamkiisa la mariyo, xeerkana la keeno laakiin, mar walba waxaan rumaysnahay in carqalada ugu weyn ee xeer dejinta haysataa tahay faro galinta Xukumadda”.Ayuu yidhI Cabdiraxmaan-Cirro

HALKAN HOOSE KA DAAWO:-

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS