haatuf.net
“Lama Filayn In Iyadoo Dalku Ku Jiro Muran Hogaamineed Madaxweynuhu U Baxo Waddo 7 Jeer Oo Hore La Furay” Musharax Madaxayne Ku Xigeenka UCID C/rashiid Xasan Mataan
July 26, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, impotent July 27, asthma 2015 (Haatuf) – Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa  mar uu maanta ka hadlay munaasibadii lagu soo xidhay shirkii mucaaridka uga socday magaaladda Hargeysa  ayaa  ka hadlay go’aammo muhiim ah oo uu sheegay inay ka soo baxeen shirkaasi.

C/rashiid Xasan Mataan oo ahaa guddoomiyihii guddidii hogaaminaysay shirka is-bahaysiga Somaliland ayaa sidoo kale naqdiyay hadalkii arrimaha doorashada ku saabsanaa ee Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay inay guurtida ka dhiraan dhirinayaan heshiiskii mucaaradka ee ahaa in doorashadu dhacdo December 2016-ka. Mr Mataan isagoo arirmahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi  “Waxaa shirka laga soo saaray go’aamo muhiim ah, waxaana go’aamadaas loo saaray guddi farsamo oo isku soo tubo ridda. Waxaa talooyinka iyo go’aammada ka soo baxay lagu soo bandhigi doonaa madal weyn oo dad badan oo bulshada ka mid ahi yimaaddaan, wakhtiga la qabanayana dib ayaanu ka soo sheegi” ayuu yidhi Cabdi Rashiid.

Musharax xigeenka Ucid sidoo kale waxa uu naqdiyay socdaalka iyo khudbaddii Siilaanyo “Madaxweynuhu wuxuu saaka sheegay inuu dhiraan dhirinayo guurtida si ay u ogolaato heshiiskii asxaabta. Intaasi waa intii dhawrkii bilood ee muranku socdayba wasiiradiisu sheegayeen. Madaxweynaha waxaa laga filayay waxaas wax ka duwan inuu sheego. Lama filayn in iyadoo dalku ku jiro muran hogaamineed inuu u baxo waddo la soo furayo oo todobo jeer ooh ore la furay. Markaa go’aanka Ucid waa ka ay mucaaradka la wadaagayaan, waana qayb ka mid ah talooyinka kama dambeysta ah ee ka soo baxaya  go’aammada shirka”.

Shirka Mucaaradka ayaa muddo laba cisho ah ka socday Hotel Dalxiis ee badhtamaha Hargeysa, waxaana ka qayb galay haldoorka Mucaaradka oo ay ka mid yihiin hogaanka asxaabta iyo Madasha wadatashiga Somaliland.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS