haatuf.net
Guddida Doorashada Iyo Hay’adda IOM Oo Ku Fashilan Wacyigalinta Diwaangalinta Codbixiyeyaasha
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, treat July 27, generic 2015 (Haatuf) – Hay’adda IOM iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku fashilmay inay magaaladda Burco ee Gobolka Togdheer ka bilaabaan Wacyigalin ay toddobaadkii hore kaga dhawaaqeen inay ugu sii gogol xaadhayaan Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo aan iyada laftigeeda la hubin goorta ay bilaabmi doonto.

Afar xubnood oo Komishanka Doorashooyinka ka mid ah ayaa toddobaadkii hore magaaladda Burco ku qabtay Xaflad ay sheegeeinay ku Daah-furayaan Wacyigalinta Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo ay Qandaraas ku siiyeen Hay’adda Wadani ah oo aan illaa hada si rasmi ah loo shaacin qaabka ay ugu Guulaysteen Tartan ay si wadajir ah Komishanka iyo IOM  ugu qabteen ku dhawaad afartan Urur.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo maalin kadib gaadhay Burco markii ay shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku sii qabteen ku shaaciyeen hadalo iska hor imanayey oo ahaa inay Diiwaangalintii Cod-bixiyayaasha bilaabayaan, prostate hadana u bedelay Wacyigalin Diiwaangalineed ayaa ka soo caraabay isla maalintii ay Burco ku qabteen xafladda Daah-furka Diiwaangalinta ay sheegeen, balse aanay jirin illaa hadda cid maqashay wax astaan ah oo muujinaya Wacyigalin ka socota magaaladaas iska dhaaf Gobolka intiisii kale.

Maamul xumada saamaysay Mashruuca wacyigalinta oo hore looga hadlay ayaa u muuqata inaanay Komishanka Doorashooyika iyo IOM illaa hada ku dhaqaaqin talaabo muujinaysa wacyigalin la bilaabee inaanay xataa jirin qorshe cad oo la odhan karo wakhtigaas bay wax bilaabmayaan, wariyayaal u kuur galay magaaladda Burco ayaa cadeeyey inaan illaa hada lagu arag xaraf kali ah oo wacyigalin magaaladda.

Guul-darada ku habsatay Wacyigalintii bilaabmi lahayd ayaa ka dhalatay kadib markii khilaaf xoogani kaga yimi Komishanka iyo Ururkii la siiyey dadka deegaanka kuwaas oo ka cadhooday ururada la soo siiyey oo dhinac ka rarmay marka loo eego hab-dhaqanka deegaan ee Goboladda wacyigalinta laga bilaabayo oo qaab beeleed wax loo siiyo, iyadoo Komishanadii hore waayo aragnimo ay arrintaas ku furdaamiyaan u lahaa, balse Komishankani aanu kuba xisaabtaminba.

Dhibaatadani Gobolka Togdheer oo kali ah kalamay kulmin Komishanka Doorashooyinka balse Gobolka Sanaag oo ay wada degaan Beelaha Gobolka Togdheer wada dega ayaa iyana sidan oo kale uga horyimi qorshe xumida Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adda IOM, waxaanay u gacansaydheen in wax wacyigalin ah laga bilaabo Gobolka.

Sidoo kale, Gobolka Awdal ayay dadweynaha Gobolkaasi si la mid ah sida Sanaag iyo Togdheer u diideen Hay’adii wadaniga ahayd ee la soo siiyey Qandaraaska iyagoo ku Eedeeyey inaan gobol ahaan khusaynin hawshani, maadaama oo aanay Hay’adaha wadaniga ah ee Gobolkoodu meel na kaga jirin Qorshaha lagu bixiyey Mashruucan.

Komishanka Dorashooyinka ayaan illaa hada ka hadal guul-darada ku habsatay wacyigalintii Diiwaangalinta oo furre u ahaan lahayd inay dadku ku sii wacyigashanaadaan qaabkii ay isku diiwaangalin lahaayeen, waxaanu u muuqdaa dhaqaalihii mashruucan ku bixi lahaa oo dhamaa laba Boqol oo kun oo Dollar in uu khasaarayo. Source: Waaheen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS