haatuf.net
Maxay Tahay Ujeedada Ka Dambaysa Shaqsi-weerarka Kulmiye iyo Xukuumaddiisu? Maxay Arrimaha Cakiran ee Taagan u Shaqsiyaynayaan? By Dr. Xasan Dhaymoole
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Tan iyo intii uu bilaabmay is-marinwaaga Mucaaradka oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeedu, anabolics waxa ay xukuumadda iyo xisbigeedu bilaabeen hannaan cusub oo ay isku difaacayaan kaas oo ah in ay shaqsiyeeyaan arrimaha masiiriga ah ee la isku hayo ee heer qaran ah. Iyada oo laga hadlayo arrimo masiiriya oo ku saabsan hannaanka dawladnimo ayay shaqsi-weerar ka dhigteen wax ay isku difaacaan iyaga oo Cirro dhinacyo badan kaga yimid. Waxa bilaabay Gud. Muuse Biixi oo laga soo bilaabo dooddii uu la lahaa Cirro iyo Faysal kusoo celcelinayey hadallo ay kamid yihiin ”Cirro isaga ayaa loo kordiyey oo korodhsiimo ku fadhiya”, order ”Cirro isaga ahaa ninkii Saleebaan gole wada fadhiyaan oo isku-xeerdejin yihiin ee hala hadlo” iwm. Waxa kale oo bilaabay beryo kedibna in uu Cirro dawladdii Siyaad Barre u shaqayn jiray oo safiir uga ahaa ilaa 1996kii (waxa cajiiba in aanuu Muuse inoo sheegin in Siyaad Barre ilaa 1996kii Somalia u talinayey iyo in kale). Waxa kale oo uu weliba Muuse sii watay eedaynta Cirro in uu mukhallas ahaan jiray in kastoo uu Muuse laftiisu ogyahay waxa uu laftiisu ahaan jiray. Weliba Muuse ka dharagsan yahay in Cirro dhiig-sokeeye ku maqnayn, masuuliyaddii loo dhiiibayna aan uu ku gubin magaaladii uu deganaa!

Waxa ku xigay dhawr jeer oo masuuliiynta Kulmiye iyo Xukuumaddu kusoo halqabsadeed Cirro iyaga oo leh sharci-dumin ayuu wadaa iyo qarda-jeex halka ay ka ahayd in ay ka jawaabaan waxna ka qabtaan arrimahan cakiran, masiiriga ah, hadda taagan ee la isku hayo.

Waxa ay ugu darnayd markii uu maanta Madaxweyneheennii isna dhabbadaa raacay oo Cirro kusoo halqabsaday dhawr jeerna carrabaabay isaga oo leh laga yeelimaayo in kursigiisuna sharci noqdo kayguna xaaraan noqdo. Horta tan waxaaba laga yaabaa in aan uu isagu qaladka lahayn oo ciddii u qortay ee afka u galisay ay ujeeddo ka lahayd.

Haddaba, waxa su’aashu tahay, maxaa kalifay in masuuliyiinta Kulmiye iyo Xukuumaddu Cirro gaar ahaantiisa u waajahaan? Maxay tahay sababta ka dambaysaa?

Ma marin-habaabinbaaa? Ma majara haabin shacabbaa? Ma xaalad abuurkalaa? Ma tabihii laga guuray ee qaybi-oo-xukunbaa? Ma ujeeddo kalaa mise waa ilmo yaxaas?

Arrimaha inna horyaalla shaqsi-weerar iyo jaahwareerin shacab ma lagaga baxayo.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS