haatuf.net
Waxgaradka Laasgeel Oo Dhagax Dhigay Waddo & Kayd Loogu Talo-galay Biyaha Xumbo-weyne
July 27, 2015 - Written by Admin Two

Laasgeel, doctor July 27, buy 2015  (Haatuf) – Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Laasgeel ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay goob laga dhisayo Kayd biyood oo ay sheegeen inay doonayaan inay ku soo dhacaan biyaha Xumbo-weyne.

Badhasaab ku xigeenka iyo odayaasha Laasgeel ayaa deegaanka ay u dhagax dhigeen in laga dhigo Kaydka biyaha Xumbo-weyne tahay  buurta DAB LA TAAGEY, taasi oo ay sheegeen inay joog ahaan in badan ka sareyso caasimadda Hargeysa, sidaasi daraadeed go’aansadeen in biyaha xumbo-weyne laga soo saaro ay ku soo dhacaan kaydkaasi.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Rashiid Axmed Maxamed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Halkan waxaanu u joognaa Barkad dhagax dhiggeed iyo waddo dhagax dhiggeed…”

Xaaji Muuse Dalab oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Laasgeel oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Halkan aanu dhagax dhignay joog ahaan way ka sareysaa Madaarka Hargeysa, xaafadaha Magaaladuna waxay ku cabbi doonaan mishiin la’aan, waana meesha ku habboon ee horena loo baadhay, waxaana loo diray oo baadhay farsamayaasha ay ka mid yihiin kuwo wasaaradda biyaha Somaliland”

Badhasaab ku xigeenka iyo odayaasha deegaanka Laasgeel ayaa sidoo kale dhagax dhigay waddo ay sheegeen in loo marayo Kaydka biyaha ee ay dhagax dhigeen.

 Muuse Dalab

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS