haatuf.net
Diyaarad Sida Shixnad Lacag Ah Oo Xukuumadda Siilaanyo Soo Daabacatay Oo Si Qarsoodiya Looga Rogay Garoonka Diyaaradaha Berbera
July 28, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, allergist July 28, 2015 (Haatuf­­­­) – Madaarka Magaalada Berbera oo mudooyiinkii u danbeeya xidhnaa ayaa gabal dhicii shalay waxaa ka soo degtay diyaarad shixnad lacag ah sida oo xukumada Somaliland soo daabacatay.lacagta-somaliland

lacagtaas oo ah lacagta Somalailand shilin ah ayaa noqnaysaa markii labaad oo gudoomiyaha banka dhex uu lacag soo daabaco mudadii uu gudoomiyaha ka ahaa Banka dhexe ee Somaliland,Lacagta oo soo degtay gabal dhicii ayaa isla xalayba la raray iyada oo lagu daabulayo gaadiid waaweyn oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Berbera ee xidhan,Mid kamid ah shaqaalaha gacanta ka shaqeeya(Xamaal) oo ka gaabsaday magaciisa ayaa shabakada wararka Berberatoday.com u xaqiijiyay warkan,waxaan uu intaas ku daray isla maalinta bari ah (Maant)La filaayo in diyaarad kale oo sida lacag ay soo fadhiisto garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera ,lama oga cadadka lacagta xukuumada ay soo daabacatay ,laakin waxay dhabar jab ku tahay dalka inagoo og xaalada sixir bararku halka uu inla maraayo  iyo maarayn la’aanta wasaarada maaliyada ay salka u dhigi ladahay qiimaha lacagta Somalailand oo Boqolkii Dolar marayo sideed Boqol oo Kun(800,000) oo ah halkii ugu sareeysay tanyo intii ay Somaliand ay jirtay uu gaadho sarifka lacaga Dollarkulacagta-somaliland

Dhanka Kale Madaarka Magaalada Berbera ayaa Albaabadu uxidhanyihiin tan iyo intii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane axmed Siilanyo uu xadhiga ka jaray  Terminalka uu Wasiirka Duulista hawada Somaliland ku sheegay Inay ku baxday lacag xadigeedu dhan tahay Afar Malyan iyo Sideed iyo sodon Kun Oo Dolora isla markaan uu wasiirku sheegay in madaarku furmi doono Bil kabacdi wakhtigaas xadhiga laga jaray taas oo noqtay hal bacaad lagu lisay war beena oo aan waxba ka jarin ilaa maantana uu garoonka diyaaradaha Berbera yahay meel laga soo dajiyo waxa la qarinayo lagana dhoofiyo waxa la qarinayo ee aafada ku ah dalka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Banka Dhexe C/laahi Xaaji Jaamac Oo aanu Isku daynay inaan wax ka weydiinay lacagta ayaan noo suuro galin madaama uu naga qaban waayay mobilkiisa gacanta oo aanu ka wacnay. Source: Berberatoday.com.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS