haatuf.net
Jamaal Cali Xuseen Oo Si Adag U Dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland
July 28, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, therapy | July 28, look 2015  (Haatuf) – Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda KULMIYE ee talada Somaliland haysaa ku shaqayso.

Jamaal Cali Xuseen oo khudbad ka jeediyey shirkii mucaaradka ee ka socday Hargeysa oo la soo gunnaanaday shalay, waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in aanay waxba ka fulin ballanqaadkii xisbigeeda KULMIYE ku galay doorashada shan sanno ka hor, isla markaana ictiraaf raadintii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku beddeshay wadahadalka maamulka taagta daran ee Soomaaliya.

“Buuggii KULMIYE doorashada ku galay waxa ku qornaa in ay dalka ictiraaf u raadiyaan oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan, laakiin ictiraafkii la raadinayey wuxuu ku soo ururay in dalka lagu mashquuliyo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, shan jeer ayaa diyaaradda la sii raacay oo la soo saaray, siyaasaddeenii arrimaha dibadduba intaas ayey noqotay, caqli kale oo intaa ka duwan oo ay shan sanno ku mashquulsanaayeen muu jirin. Heshiisyo badan oo lagu soo galay waddamada lagu wadahadlayey oo markaa dib u wada eegto dhammaantood isku mid bay ahaayeen, dadku waxay is waydiinayeen ma caqligayaga ayey caayayaan? Ma shantan qodob ee maalayacniga aan wax allaale iyo wax qoto ay leeyihiin jirin ayey ka wadahadlayaan labadii dal.

Haseyeeshee, markii aannu xogo dheeraad ah helnay waxaannu ogaanay in habeenkii shirar kale oo dheeraad ah la gali jiray (ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya) oo waxaasi iyo waxan dadka loo sheegayo ee la qorayaa isku mid lahayn,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kaloo uu isbarbar-dhigay heerarka waxqabadka siyaasadda khaarajiga ee xukuumaddii UDUB iyo ta KULMIYE, waxaannu yidhi, “Siyaasaddii arrimaha dibadda Somaliland intii ay dawladdani joogtay way fashilantay, haddii xukuumaddii ka horreysay ee Daahir Rayaale in uun waxoogaa ina badhi-taartay oo meel innaga gaadhsiisay, qoladani way ina soo riday, waxaanna arrintaa inoo kala sheegay mid waliba inta uu samayn jiray shabakadda siraha ee Wikileaks ileyn iyadu KULMIYE iyo UDUB u kala hiilinmaysee, waxaynu ogaanay in xukuumadda Daahir Rayaale ee UDUB ay ku mashquulsanaan jireen ictiraafka Somaliland, waxa kaloo aynu ogaanay in xukuumaddan Axmed Siilaanyo in iyadu ku mashquulsanayd Federaal.”

Ugu dambayn, Murrashaxa madaxweynaha UCID waxa iftiimiyey sida lagu gaadhi karo aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho dunida, “Haddaba, siyaasadda arrimaha dibadda sidee loo hanan karayaa ama meel loo gaadhsiin karaa? Kolay xisbiyada mucaaradka xilliga doorasho la gaadho qola waliba waxay ka hadli doontaa siday doonayso inay dalka ictiraaf ku keento. Ictiraafku ciyaar kuma yimaado, waxaynu u baahannahay aragti dheer, waxaynu u baahannahay maal…” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS