haatuf.net
Waraabuhu Waa Wiilkaygii! BY Muuse Jaambiir
July 28, 2015 - Written by Admin Two

Waxay ahaayeen laba qoys oo xoola dhaqato ah, vcialis 40mg wada ool ah, waayaha noloshana macaan iyo qadhaadhba isu magaabiya. Muddo dheer markay sidaa ku negaayeen ayaa xilli dambe tawfiiqdu ka xumaatay. Mid ka mid ahaa labadii qoys ayaa odaygii dambaabayay goor fiid ah  ku wargeliyay duqii reerka kale, inuu guurayo caawa oo reerkiisa u rarayo meel xoolaha uga  nabaad roon guriga ay deganaayeen. Waar waa jiillaal oo halkan meel xoolaha u daaq dhaantaa ma jirtee ha guurin iyo waan guurayaa, dood hadal iyo hal celin ah oo labadii oday dhex martay ayaa aakhirkii ku dhamaatay, in la kala guuro oo midna halkiisii ku sii negaado, midna geedi u galo guri kale.

Caways horeba reerkii geedi buu u diyaar garoobay. Daakiraadii salaada ka horna waxa la kiciyay gaadiidkii reerka oo rarkii saaran yahay, caynka iyo baydana loo giijiyay. Weli waa habeen oo libdhadii ma soo bixin. Awrtii xidhiidhsan ayaa hogaanka loo qabtay,adhigiina quluxdaa loo tumay, qofba hawshii ayuu dhankiisa ka galay, sidaasay isku maca salaameeyeen labadii reer. Nasiib darro hayinkii reerka oollay oo duddada fadhiyay ayaa dabagalay awrtii reerka guuray. Qiyaastii wuxuu u qaatay in la guuray, dhinacna wuxuu ka tebayay rarkii la saari jiray, balse goor dambe ayuu ogaaday oo ka hadhay awrtii reerka guuray. Daaq buu isaga jeestay, hase ahaatee wedkiisii oo aan ka durugsanayn ayaa helay. Waraabe gaajaysan baa afarta dhinacba ka hololabiyay oo dhulka dhigtay. Weli cadceedu ma soo bixin, balse arragu wuu isa soo tarayay oo dhanka bari ayaa kaahii waaberi ka soo guduutay. Reerkii guuray jiciiray, kii negaana toos oo hawl maalmeedkii laysu taag. Markiiba waxa la tebay awrkii hayin, isla markaana waxa la galay baadi doonkiisa. Laguma hawshoon helidiisii ee markiiba waxa lays dul taagay raqdiisii.

Ooshuun bay ku kala durkeene, weli degsiimadoodu ma kala durugsana oo waa isku deegaan, tuulo u wada shir taga. Gar jilib carro ah baa ka dhex curatay labadii reer. Waa loo gar naqay oo xeer beegti baa dhex gashay. Odaygii awrka waraabuhu dilay lahaa baa muduciya kuye; “xilliga guuristiisu inay sabab u ahayd in awrkayga waraabe cuno, muduci markhaati leh baan ahay.”  Markhaatigiina wuu u dhacay, sidaana waxa odaygii reerkiisu guuray loogu xukumay inuu bixiyo awr raray ah, isna wuu bixiyay. Gartaasi sidaasay ku dhamaatay, labadii oday ee waqtiga dheer saaxiibka ahaana ugu kala gar qaateen.

Ninba tiisuu ilaashanayaaye odaygii garta helay, carraabihii buu soo dul maray raqdii awrkiisa oo waraabihii dilay weli hiigayo, mise qori degta u saarraa intuu soo rogtay ayuu laba xabaddood ku dhuftay. Maalintii xigtay markii tuuladdii laysugu yimi ayaa odaygii reerkiisu guuray ku war helay, in saaxiibkii dilay waraabihii, halkaasaa mar kale jilibka laysu laabtay oo muduc iyo madaacalay laysu doonyaystay. Odaygii maalintii hore garta lagu qaaday ayaa weerar ah, kuye, “Waraabuhu inuu wiilkaygii ahaa oo aan shalay wuxuu gaystay ka mag bixiyay, muduci markhaati leh baan ahay.” Markhaatigiina wuu u dhacay, sidaana waxa loogu  celiyay awrkiisii.

Wax kastaba ha laysku qabtee, waa inay jiraan wax lagu kala baxaa iyo cid wax kala saartaa. Noloshu haday intan waydo ma jirto, way tirmaysaa, ta duurjoogtana waxba ma dhaamayso. Labadaa nin midba mar baa gar uu wixiisii ku helayaa u muuqatay. Cid kala saarta oo ka garniqi karta xaajaddoodana way isula tageen. Midba toogadiisu sugay oo gar helay.  Waqtigaasi wuxuu ahaa xilli hore, ku sinnaan horaantii qarnigii 19aad. Soomaalidu waagaa waxay ahayd imaarado yaryar oo qabiil waliba gaar isu maamulo, laakiin wadaaga xeerar wad noolaansho iyo wada dhaqan. Mar kasta oo dhexdooda wax ka dhacaan wixii u yaalay bay ku salayn jireen kala gurka cidda daannadu kala gaadhay. Haatan iyo dawladda casriga ah,  waxa  lagu eeddan yahay nidaam xeerkiisu yahay aragtida iyo rabitaanka hadba  qofka jooga. Garta cuyub u celi mooyee,xaajo dhamaata oo lagu kala gar qaatana  warkeed dhaaf. laakiin nidaam sharcigu sarayn waayay oo qofku sareeyaa wuxuu ku dambeeyaa burbur haddaan la daba qaban oon lagu soo dabaalin sharciga.

Qalinka Muuse Jaambiir

Xigasho: dhacdo hore

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS