haatuf.net
27-kii July: Shan sano Ka Hor Afeeftii Rayaale Iyo Balanqaadkii Siilaanyo
July 29, 2015 - Written by Admin Two

“Anigu Waxaan Ku Faanayaa Dimoqraadiyadii Aan Hirgalinteeda Bilaabay, prescription Laakiin Uu Lahaa Madaxweynihii Iga Horeeyey Qorshaheeda Iyo Barnaamijkeeda Iyo Ku Talogalkeeda, Aniguna Waan Hirgaliyay Markuu Geeriyooday”Rayaale

 

 

 

 

Hargeysa 28, July 2010 (Haatuf) – Isniintii doraad waxay ku beegnayd shan ka hor maalintii uu Madaxweynihii hore xilka ku wareejiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Munaasibadii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, waxa dhaarintii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ka dib hadal dheer ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin. “Waa maalin qiimo wayn u leh shacbiga reer Somaliland, waa taariikh taabogalka noqotay oo hirgashay geedigii aynu soo wadnay muddada dheer. Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Waxa kale oo aan halkan mahad uga jeedinayaa wufuuda ka socda dalalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Waxa kale oo aan halkan ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii Madaxweynenimo ee aanu ku tartamaynay, waxaanan ugu wareejinayaa si niyadsami ah, farxad leh oo kalsooni ah,” ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.Waxa uu balanqaaday inuu gacan siinayo Madaxweynaha cusub oo uu xusay inay sugayaan hawlo badan oo culays leh. “Sideed sanno ayaan xilka soo hayay, sanad ku meel-gaadh ah iyo todoba sano oo kale, waan garan karayaa culayska xilkani uu leeyahay iyo dhibaatada hoos taala madaxweynaha maanta hawsha igala wareegaya, anaa xogogaal u ah. Waxaan leeyahay, anigu waan isdaba taagayaa gacana waan ku siinayaa, shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay madaxweynaha xilkiisa haddaynu la garab qabano ayuun buu ka soo baxayaa, haddii kale wuxuu qabtaa wuu yaraanayaa, markaa aynu u midawno inaynu isdaba taagno. Wuu dhamaaday tartankii axsaabtu, guul buu ku dhamaaday, wax ka hadhay ma jiro, inaynu dalkeena u wada shaqayno dhamaanteen, inaynu gacmaha is wada qabsano oo aan meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabogalino qaranimadeenan curdinka ee aynu muddada soo wadnay, Illaahay mahadiina maanta anigu waxaan ku faanayaa dimoqraadiyadii aan hirgalinteeda bilaabay, laakiin uu lahaa madaxweynihii iga horeeyey qorshaheeda iyo barnaamijkeeda iyo ku talogalkeeda, aniguna waan hirgaliyay markuu geeriyooday,” ayuu raaciyay.  Madaxweynaha xilka wareejiyay waxa uu sheegay macnaha munaasibadani shaqsiyan u leedahay iyo doorka ay ku yeelanayso taariikhda Somaliland. “Maanta waxa taariikh cusub Somaliland u ah, waxaan isleeyahay aniga iyo Axmedba labadii madaxweyne ee xilka la kala wareegaya ayaanu nahay, sababtoo ah aniga madaxweynihii iga horeeyey wuu geeriyooday, isaguna markii uu la wareegaayey xil uu la wareegay muu jirin, Axmedna waxay u tahay nasiibwanaag maanta dal dhisan oo nabad ah oo wadajira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegayo. Waxaynu soo marnay waxyaabo badan, maalintii uu geeriyooday (AHN) madaxweyneheenii hore ee aan isugu yeedhay labadii guddi joogto ee golayaasha (Baarlamaanka) iyo golihii xukuumadda, markii aanu isu nimi waxaanu is waydiinay maxaa talo ah madaxweyneheenii wuu geeriyoodee? Cabdiqaadir Jirde (guddoomiye kuxigeenkii hore ee golihii hore ee Wakiillada Somaliland) ayaa Distooska akhriyey, waxaanu yidhi ‘adaa madaxweyne ah’, lagumana murmin ee sidii ayaanu isku raacnay, isbedelka markaa dhacay ee la isla aqbalay Somaliland wuxuu ahaa mucjiso iyo waxay ku faanto, la inaguna majiirtay beesha caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay labaduba,” ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.  Madaxweynaha xilka wareejiyay, waxa uu ka waramay talaabooyinkii u horeeyay ee uu qaaday markii uu xilka la wareejiyay bishii May 2002. “Waxaan ka bilaabay aniga oo markaa ahaa madaxweyne ku-xigeenka hawshii markaa taalay ee qabyada noo ahayd aniga iyo madaxweynihii geeriyooday inaan ka bilaabo nabadu inay fure ii noqoto oo aan ka dhigo furaha koowaad iyo Somaliland inta inaan isla raadiyo. Waxaan markiiba ku dhaqaaqay dalalka jaarka aanu nahay inaan tago Jabuuti iyo Itoobiya, sababtoo ah waxaan arkaayey nabada aynu guddaheena ku haysano haddaanay ka jaarka aan lagu kabin inaanay waxba inoo tarayn. Waxaan ka bilaabay Jabuuti oo markaa xidhiidhkeenu uu yar wagash-wagash uu ahaa, nasiibwanaag walaalkay Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyey, waananu heshiinay, maantana wakaa weftigii uu inoo soo diray inala jooga. Waxa kale oo aan tegay Itoobiya oo Raysal-wasaaraha aan la kulmay. Waxaan culayska saaray inaan kalsooni iyo walaaltimo iyo xidhiidh sokeeye uu inaga dhexeeyo dalalka aynu jaarka nahay, Kenya-na waan tagay madaxweyneheedana waan la kulmay, isaguna si fiican buu noo soo dhaweeyey, waa saddexda wadan ee furaha inoo ah haddii aqoonsi aynu u baahanahay iyaga ayeynu ka bilaabaynaa inta kalena way ku xigaan.  Maanta waa taariikh aad wanaagsan, waa mid guul ah, waa taariikh gobanimo inaynu wada ilaalino ayeynu u baahanahay. Laga bilaabo maanta waxa inoo ballan ah ul iyo diirkeed inaynu noqono, madaxweynaha la doortayna inaynu iswada barbar taagno oo aynu la shqayno ku kaalino. Waxaan kale oo aan uga mahadnaqayaa xisbigayga go’aankaan qaatay inay igu raaceen oo aan ku taageernay in doorashada lanaga helay, waxaan leeyahay haddii aan olole ku soo jirnay wuu dhamaaday laga bilaabo maanta saaxiibo ayaan nahay dhamaanteen iyo inaan u midawno Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweynaha xilka wareejiyay, Daahir Rayaale Kaahin.  Intaa ka dib, waxa hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuuna u mahadnaqay Madaxweynihii hore iyo kuxigeenkiisa xilka ku wareejiyay. ‘Walaal xilka maanta ummadu ii igmatay waa xil aad u wayn, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu ii fududeeyo. Waxaan idinka ballanqaadayaa umadda sidii ay igu doorteen sidii horeba aan ugu caddeeeyey inaan u noqdo qof u siman oo aan u dedaalo oo aan shacbiga reer Somaliland caddaalad ku dhaqo, horumarkooda iyo dhqaalayntooda ayaan ballanqaadayaa,” ayuu yidhi yidhi.  Madaxweynaha Somaliland waxa uu u mahadceliyay weftiyo heerkoodu sareeyo oo ka socday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo ka qaybgalay munaasibadaas. “Waxa kale oo ay u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleh iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Mr Meles Zenawi oo ii soo diray hambalyooyin,” ayuu raaciyay Axmed-Siilaanyo.Source:Ogaal.xilwareejitii Madaxtooyadda Somaliland

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS