haatuf.net
Ilaa SNM-tii Siilaanyo Wuxuu Bulshadda reer Somaliland ku ahaa Dhabar-daalis Lala Hugmay; Haatuf Staff Writer
July 29, 2015 - Written by Admin Two

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kamuu mid ahayn ragii ka badheedhay inay mucaaridad halgan hubaysan ah dalka kaga xoreeyaan nidaamkii Siyaad Barre ee si ay himiladoodaasi u xaqiijiyaan uu tacabka badani ka galay aas-aasidii ururkii SNM, kaas oo markii lagu dhawaaqay April 1981-kii uu Siilaanyo ku tilmaamay urur qabiil, hadana markii la gaadhay August 1984-kii uu madaxtinimo u doontay.

Lix-sanadood-ku-dhawaadkii uu guddoomiyaha ahaa, ururkii SNM waxa uu ku dhamaystay khilaaf iyo is-qabqabsi gudihiisa ah.

Markii uu dhacay go’aankii geesinimada lahaa ee gudo-galkii May 1988-kii, waxa uu xajin kari waayey culayskii uu hawlgalkaasi lahaa, waxaanu u firdhaday London, halkaas oo markii dalka la wada xoreeyey uu kasoo saaray qoraal ku baaqayey in Somalia ooy Somaliland ku jirto loo sameeyo nidaam federaali ah, iyadoo markaas ay indhihiisu arki kari waayeen in go’aan kale uu  dadka meel u yaalay oo k- talo-galku ahaa in Burco la isla tago oo lasoo ceshado gooni-isu-taagii Somaliland ee 60-kii lumay.

Hadana waxa u meel martay ama loo haystay inuu yahay siyaasi hal-abuurnimo iyo xirfad leh, balse waxa cadaatay in cilmiga siyaasadaba aanu isku hawlin oo maamul xumo la karaahiyeysto iyo cabatin joogto ah mooyaane aanu siyaasada wax horumar ah kusoo kordhinin.

Wuxuu ku jiray raaxaysi iyo dantiisa-raacasho, iyadoo dhiig daadanayo oo duni rogmanayso, haddii ay tiisa noqon lahaydna meelba lama gaadheen oo halganka ayaa ahaa mid shacbi ah oo ay dadku iska wataan.

Muu qarsan jirin mana aaminsanayn in halgankii hubaysnaa lagu gaadhi karro guul kama dambays ah. Macnaha uu SNM ugu soo biiray wuxuu ahaa in Siyaad Barre la ogolaysiiyo wada-hadal si isaga raysal-wasaare looga dhigo, dhawr wasiir iyo dhawr jeneraal oo reer Waqooyi  ahna loo magacaabo, taas oo kashifantay 1986-kii.

Damaciisa dhabar-daaliska ah (Burdensome) iyo karti daradiisa ayaa khatyaan ka dhigtay bulshadda reer Somaliland ee uu soddonka sanadkood lasoo dhex-taagnaa mansab-jacayl iyo kolba muran aan loo fadhiyin. Rakaab xumada maanta lagu dhaliilayo-na ummadani hore ayey usoo martay. Xiligii SNM-ta ee uu Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ayaa waxa jabhada booqasho ugu yimid wafti reer Cadmeed ah oo ka socday madaxwaynihii wakhtigaas xukumayey Koonfurta Yemen Cali Naasir Maxamed. Markay waftigaasi kulamo la yeesheen xubnihii guddida fulinta ahaa isla markaana la soo sheekaysteen mujaahidiin badan oo kale oo ku wacnaa inay ka mid noqdaan hogaanka sare ee ururka ayey laba nin oo ay is-garanayeen si kaftana ugu yidhaahdeen nimanyahow kuwan idiin ah guddida fulinta ee aanu soo aragnay malaha idinku waxba umaydaan dhiibateene ma xabashidaa idinku khasabtay?.

Maanta oo ay shantii sanadood ee la doortay ka dhamaatay oo uu aakhiral-cimri yahayna waatan kusoo oodantay ee uu ku celcelinayo in isaga uu badali karro Madaxwayne si sharci loo soo doortay ee hadana cilinkiisii la saari kari la’yahay ee uu sagsaagayo in la qabto doorashooyinkii xiligii xukuumadiisa iyo xisbiyada mucaaridku ku heshiiyeen ee shacbiguna gudoomay. Allaaw taariikh madaw iyo khaatumo xumaysi dalka ma kala tagay!!!.  

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS