haatuf.net
Wasiirka iyo Shaqaalaha Duulista Oo Xayeysiinaya Flydubai, Diyaradaha Kalena Ku Caayaya Adeeg-Xumo
July 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa July 31, no rx 2015(Haatuf)-Qofka muraad u yeesha madaarka Hargeysa ee Egal International Airport aya markasta waxa uu la kulmaya wax cusub oo ka yaabiya sida rakaabka dalka u dhashay ee qurba-jooga ah oo la jideeyey in markay soo dagaan aan laga qaadin lacagti soo galitaanka oo kaliya balse laga sii urursado tii bixitaankana iyadoo labada lacagayow isugeyntoodu tahay $120.Siyaasaddan cusub ee lacagti la bixinjiray marka dalka laga baxayo ka dhigtay in la sii qadimo marka dalka la soo galayo aya nin qurbo-joog ah oo isaga iyo caruurtiisii soo wada guureen si ay dalkoodi hooyo ugu noolaadaan waxa uu ku tilmaamay dawladda sidaas ku talisay mid anbobax ah oon isku kalsooneyn  oo sahay urursi ku jirta.

Layaabitiinka ka sii weyni waxa weeye markaad aragto wasiirkii iyo shaqaalihi wasaaradda Duulista oo rakaabka madaarka ka soo dagaya ama ka dhoofaya u xayeysiinaya shirkadda Flydubai ee  dhawaan Somaliland ka bilowday dulimaadyo u kala gooshaya Hargeysa iyo Dubai taasoo uu wakiil u yahay wiilka uu Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil.Kaaga darane markay ku celceliyaan ammaanta Flydubai waxay uga gudbaan cayda diyaaradaha kale ee isticmaala madaarka Hargeysa sida Ethiopian Airlines,Daalo, Juba iyo African Express.

Inkastoo qiimeynta adeegyada diyaaraduhu ay tahay arin u taala dadweynaha isticmaalaa inay iyagu wax ka sheegaan, hadana waxa xusid mudan in shirkadda Ethiopian Airlines marki ay sanadki 2001 bilowday duulimaadyadeeda Hargeysa waxay suurtagalisay(sponsor-garaysay) in baasaboorka Somaliland lagu galo dalka Ethiopia taasoo u horseeday in dalal kalena ogolaadaan in lagu soo galo iyadoo uu arintaasi ka shaqeeyey halyeygi Maxamuud Saalax Nuur(Fagadhe) marki uu ahaa wasiirka Khaarajiga Somaliland cahdigii Cigaal.

Hadaba suuaasha meesha taalaa waxay tahay wasiirka Khaarajiga Biixi iyo wiilkan Flydubai u wakiilka ah isla markaana ah wakiilka Somaliland ee Imaaraatka iyo odayga u soddoga ahi ma marsiin karaan shirkadda Flydubai inay kafaalo qaado in baasaboorka Somaliland lagu galo Imaaraatka???

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS