haatuf.net
Wiilka Uu Sodogga U Yahay Siilaanyo Oo Olole Ugu Jira Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye
July 30, 2015 - Written by Admin Two

BASHEHargeysa July 31,2015(Haatuf)-Baashe Cawil oo ah wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Ahmed Silaanyo aya olole xoog ah ugu jira sidii uu u noqon lahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirka Golaha Dhexe kaasoo la filayo in uu qabsoomo bisha September ee sanadkan isla markaana uu Mr Silaanyo ku iclaamiyo in aanu isu soo sharixi doonin doorashada mansabka madaxweynaha.Sheekadan oo baryahanba la tuhunsana inay jirto aya hadda saani u soo shaac baxday marki uu Baashe Cawil todobaadkan horaantiisii damaciisan ku soo bandhigay kulamo uu Hargeysa kula yeeshay odeyaal ka tirsan beeshiisa.

Baashe Cawil oo shaqada kaliya ee uu abid soo qabtay tahay isagoo mar taksiile ka ahaanjiray magaalada Los angeles isla markaana aan aqoon u laheyn luqada Carabiga aya odayga sodogga u ahi dhawaan u magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiyi doona caasimadda Imaaraatka ee Abu-Dhabi, jagadaas oo marki hore loo waday wasiirki horee Warshadaha xilgii xukuumaddi Riyaale ee Maxamed Saleebaan Weyne kaasoo aqoon fiican u leh dhaqanka iyo afka Carabiga isla markaana hore uga soo shaqeeyey  Khaliijka.

Siday ilo wareedyo arintan u dhuun daloola tibaaxeen, madaxtooyada ayaa ka noqotay qorshihii ahaa in Maxamed Saleebaan Weyne loo magacaabo xilka wakiilnimada Imaaraatka ka dib marki  Baasha Cawil iyo xaaskiisu magaalada Nairobi uga soo qaxeen xagga Imaaraatka.Xaaska Baashe ee Luul Silaanyo aya gurigi ay Nairobi ka deganeyd 2 jeer loo soo dhacay taasoo keentay inay soo degaan Imaaraatka si ay caruurtooda ugu daraan mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay(elite private schools) ee ay wax ka bartaan ubadka ay maalqabeenadu dhaleen.

Arintan aya waxay ku soo beegantay xili ay dalalka khaliijku isu bahaysteen la dagaalanka Xuutiyiinta ay Iran taageerto isla markaana ay dawladaha Khaliijku danaynayaan iskaashi dhex mara iyaga iyo Somaliland gaar ahaan dhinaca dagaalka Yemen iyo sugidda amniga albaabka koonfureed ee badda Cas iyadoo sida muuqata ay qoyska madaxtooyadu marki dambe la noqon waday inay cid ka baxsan caa’iladda  ku aaminaan sirta xafiiska ay rajaynayaan in Imaaraatku mucaawimooyin mudakar ah u soo marin doono Somaliland.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS