haatuf.net
Komishanka Doorashooyinka Oy Ku Cadaatay Beenti Ay Ka Sheegeen Diiwaangalinta Codbixiyaasha Een Ka Dhicin Togdheer
July 31, 2015 - Written by Admin Two

Burco July 31, abortion 2015(Haatuf)-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan Warsame aya 20/7/2015 iclaamiyey in hawlihi diiwaangalinta codbixiyeyaashu ay ka bilaabmi doonaan gobolka Togdheer 21/7/2015.

Mr Iimaan oo la hadlaya saxaafadda aya xiligaas oo hadda todobaad laga joogo waxa uu u sheegay in diiwaangalin iyo wacyi-galin isku dhafan laga hirgalin doono meelaha miyiga ah ee ku yaala gobolka Togdheer si loo tijaabiyo qalabka wax lagu diiwaangalin doono.Hasa yeeshee maalinti shirkiisai jaraayid ku xigtay ayey Haatuf soo warisay in Komishanku been sheegayo oo aanay jiri doonin wax diiwaangalin ah oo laga fulin doono gobolka Togdheer.Haatuf waxa kale oo ay intaas ku dartay in qalabki wax lagu diiwaangalin lahaaba aanu dalka soo gaadhin oo 30kii kombayuutar ee ugu horeeyey la filayo in Hargrysa la keeno dabayaaqada August 2015.

Hadaba iyadoo uu badhisaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye hore u sheegay in aanay jirin wax diiwaangalin iyo wacyigalin ah oo ka dhacday gobolkiisa aya hadana waxa maanta arintaas iyaguna xaqiijiyey wargeyska Jamhuuriya ee u janjeedha dhinaca xukuumadda kaasoo warkiisii kowaad ku sheegay in hawlihi diiwaangalinta ee la filayey inay ka bilaabmaan gobolka Togdheer 21/7/2015 ay meesha ka baxeen ka dib marki ay Komishanku ku guuldaraysteen hawshaasi isla markaana ay sidaas ku dhicisowday digreetadi madaxweyne Silaanyo soo saaray bishi April ee lagu dhagan galinayey in diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinku ka bilaabmaanto gobolada Somaliland 21 July 2015.

Siday Ilo xogogaal ahi Haatuf ugu warameen sababta ay Komishanku beenta intaas leeg u sheegeen aya aheyd mid ay ku kaliftay xukuumaddu oo ujeedadeedu aheyd inay Komishanku arinta diiwaangalinta dhaq dhaqaajiyaan si ay dadka u asqeeyaan oo ay indhahooda ka jeediyaan muranki ku saabsanaa xiliga la qabanayo doorashada ee u dhaxeeyey madaxtooyada iyo mucaaridka kaasoo meel xun marayey ilaa hadana taagan. Hasa yeeshee Komishanka aya beentan qayaxan ee ay sheegeen  waxay durtaba  ka lumisay kalsoonidi ay dadweynahi dhex-dhexaadka ahi u hayeen kuwaaso ku doodi jiray in fursad la siiyo oo la isbarbar taago.Waxase  hadda laga cabsi qabaa in Komishankani ay foodda isu galiyaan dhinacyada ku loolamaya siyaasada oy qalalaalase u horseedaan wadanka oo dhan hadii aan la iska badalin sidii dhacday 2009 ee la doortay Komishanka cusub kaasoo badalay kii Jaamac Sweden iyo Kabaweyne.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS