haatuf.net
Dhacdooyin Qarsoon Oo Hadheeyey Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Muddadii Ay Joogeen Ceerigaabo Iyo Madashii Soo Dhawayntiisa Oo La Isku Faro Saaray
August 1, 2015 - Written by Admin Two

Gudaha Ka Akhri:  Dagaalkii Maayarka Iyo Badhasaabka, unhealthy Dabuubtii Shacbigii Ku Oriyay Iyo Haaraankii Weftiga

 

Hargeysa, August 1, 2015  (Haatuf) – Fadeexado is biirsaday oo waji-gabax ah ayaa la weriyey in ay mar kaliya ay maalintii  Khamiistii wada qabsaday badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ka dib markii lagaga oriyay meel fagaare ah oo Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii ay kula hadlayeen boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo. Fadeexadda koowaad waxay ahayd markii badhasaabku uu fagaarihii madaxweynuhu dadweynaha kala hadlayay uu maamulkeedii ku qabsaday Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, isla markaana uu isku dayay inuu maamulka degmadda kala wareego maamulkii iyo hab maamuuskii meesha, talaabadaasi oo uu sababi gaadhay inay labada masuul gacanta iskula tagi gaadhaan, ka dib markii Badhasaabku uu aflagaadeeyay isla markaana Hooyadii caayay Maayarka Ceerigaabo. badhasaabka sanaag iyo Maayirka magaaladaWarkan oo aanu ka soo xiganay degelka Gudgudenews,com oo xalay boggiisa Internetka ku daabacay warkan ayaa tilmaamay in Aflagaadadani dhalisay  in Maayarka Ceerigaabo uu isku dayo inuu la dagaalamo Badhasaabka Sanaag, hase yeeshee  sida shabakadu sheegtay in  Wasiirro ka mid ahaa weftiga madaxweynuhu, ay qaboojiyeen maayarka Ceerigaabo isla markaana ka raali-geliyeen aflagaadadii una madax baneeyay agaasinka fagaarihii uu Madaxweynuhu dadqweynaha kala hadlay ee Beerta Xoriyadda ee Magaaladda Ceerigaabo. Waxa kale oo warku intaas ku daray in Wasiirradu  ay  Badhasaabka ku war-geliyeen  in aanu Maayarka iyo Golaha deegaanka ku qabsanin waajibaadka  la xidhiidha degmadda dhexdeeda.badhasaabka sanaag iyo Maayirka magaalada

Shacbigii Ku Oriyay Badhasaabka Sanaag.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay  oo ka hadlay fagaarihii Madaxweynuhu dadweynaha kala hadlayay, waxaanu madashaas uu ka naqdiyay Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Badhasaabku waxa uu sheegay in Guddoomiyaha WADDANI uu maalintii Madaxweynuhu u soo kicitimay gobollada Barri uu yidhi Madaxweynuhu muxuu Ceerigaabo ka doonayaa oo yaalla. Markii uu Badhasaabku sii watay naqdigii uu ugu jawaab celiyay Guddoomiye Cirro ayuu cod dheer dadweynihii  uu u khudbadeynayay dib u weydiiyay  su’aal ahayd “Ma Ninka Yidhi Ceerigaabo maxaa yaalla oo madaxweynuhu ka doonayaa Miyaynu dooranaa? Ka dibna waxa dadweynihii ay mar kaliya cod dheer ugu jawaabeen “HAA, HAA, HAA, HAA.” Inkasta oo ay jireen qaar ku dhawaaqayay “MAYA, MAYA, MAYA” Haddana waxa xoog badnaa intii ku tiraabaysay “Haa” ee ka soo horjeedsatay Badhasaabka Sanaag.

Muuqaalkii Madaxweynaha

Intaas ka dib waxa muuqaalka kamaradaha ka soo baxay madaxweynaha Somaliland oo intii uu hadlayay Badhasaabku Karaahiyaystay oo madaxdii dhinac fadhiday ku lahaa kalmado ay ka mid ahaayeen “Waar iska soo fadhiisto ku yidhaahda.” Iyo qaar kale.Source:Hubaal.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS