haatuf.net
“57 Wasiir Dalkani Uma Baahna, Rayaalena Waxa Uu Bishii Qaadan Jiray $36171, Halka Uu Madaxweynaha Maraykanku….”Eng Maxamed Xaashi Cilmi
August 1, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough August 1, 2015  (Haatuf) –  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey xil-gudasho la’aan, waxana uu meesha ka saaray duruudaha lagu sababeeyey muddo-kordhinta xukuumaddu ku fadhido. Eng. eng-maxamed xaashiMaxamed Xaashi Cilmi oo u warramay Star tv, ayaa waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay in xukuumadda sharciga lagu qaado, maadaama ay ku guuldarraysatay inay dalka doorasho xilligeedii ku qabsoonta ka hirgeliso.  Waxa uu Maxamed Xaashi Nasiibdarro ku tilmaamay in Saddexdii Hay’adood ee dalka ugu sarreeyey ay si isku mid ah mar  kali ah muddo-kordhin u wada galaan,  “Xukuumadduu xilkeedii bay gabtay oo kasoo bixi weyday, waxana ay ahayd in tallaabo sharci ah laga qaado, maantana wax sharci ah maanta ma aha. Saddexdii Hay’adood ee Guurtidii, wakiilladii iyo Xukuumaddii midna sharci ma ah, waana nasiib darrooyinka jira.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.  Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata, ayaa deedafeeyey dhawaaqii madaxweyne Siilaanyo ee uu dhawaan ku sheegay inay Guurtidu tahay Gole sharci ah, waxana uu yidhi,“arrinta xisbiyada mucaaridka, xukuumadda iyo xisbi-xaakimku ku  heshiiyeen waa siyaasad, guurtidaa carqaladaynaysana meesha ma taallo madaxweynuhuna waxa uu yidhi Guurtidu waa sharci, laakiin inuu garto ayey ahayd inay sharci-darro tahay.”  Dhammaadka Muddo-xileedka Madaxweynaha, ayuu Eng. Maxamed Xaashi ku sheegay mid ka dhashay xil-gudasho la’aan xagiisa ah, isla-markaana aan cid kale loo nisbayn Karin, waxana uu yidhi,“madaxweynuhu wuxu ogyahay in wakhtigiisii ku dhammaaday xilkasnimo-darro oo belaayo dhacday oo doorasho loo qaban waayaa aanay jirin”  Dhinaca kale waxa uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ka Hadlay tiro-dhaafka Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda haatan jirta, waxana uu tilmaamay inaan loo baahnayn wasiirro tiradaas leh,  “57-wasiir, wasiiru-dawle iyo wasiir-ku-xigeeenno dalkani uma baahna, waayo faqiirna waynu sheeganaynaa dalkeenuna intaas oo wasiir buu leeyahay, ta labaad wasiirradeena lacag  dalal inaga waaweyn ka badan bay qaataan.Tusaale ahaan haddaan usoo qaato Rayaale waxa uu qaadanayey $36171-Dollar Bishii, Halka madaxweynaha Maraykanku ka qaato laba iyo soddon kun iyo saddex Boqol iyo wax la jira. Haddaad liiska madaxweyneyaasha eegto Dawladdeena maanta mid ka kharash badani ma jirto” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS