haatuf.net
Laba Sarkaal Oo Milatari Ah Oo Lagu Toogtay Xero Ciidan Oo Awdal Ku Taala Oo Midna Dhintay Mid Dhaawac Culus Soo Gaadhay
August 11, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergy August 11, 2015 (Haatuf) – Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga ayaa laba sarkaal oo ciidanka ka tirsan ku toogtay xero ciidan oo ku taala gobolka Awdal, kaas oo halkaas midna ku dhintay midna dhaawac halis ahi soo gaadhay oo wakhtigan lagu dawaynayo cisbitaal ku yaala magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Sida  uu warbaahinta u acainfo.org xaqiijiyey Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) gaashaanle Sare Xasan Caqli ayaa dhaawac halis ahi kasoo gaadhay rasaasta uu askari ka mid ah ciidankiisu ku furay, halka uu xidigle Faarax Caraale uu isagu goobtaas ku geeriyooday.

Dhinaca kale waa sarkaalkii 4-aad ee ciidanka qaranka ka tirsan ee labadii sano ee u danbeeyey ay toogtaan askar ay u talinayeen.

Haatuf.net kala soco wixii kasoo kordha arrimahaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS