haatuf.net
Ardaygi Isagoo Maxbuus Ah Shalay Bilaysku Saldhigga Ku Dhex Toogteen Oo Xalay Geeriyooday
August 15, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa August 15,2015(Haatuf)- Cabdillaahi Dayib Cabdi Korse oo ahaa ardaygii isagoo maxbuus ah oo hurda qolki uu ku xidhna ay bilaysku ku dhex toogteen saldhigga Koodbuur aya xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa iyadoo markii hore loo qalqaalinayey in xalayba Jibuuti loo qaado balse ay taasi suurtoobi waday.

Marxuumkan aya ka mid ahaa dhaliyaro RRU-du 9-kii bishan ka soo qabqabteen xaafadda Jigjiga yar(galbeedka kaalinta Inho-birta)  xiligaa oo ay qoyska Mujaahid Axmed Jabaan rasaas ku fureen iyadoo uu weerarkaasi laba wiil oo uu Mujaahidku dhalay midna ku dhintay midna ku dhaawacmay.Waxa kale oo iyaguna rasaastaasi ku dhaawacmay dad kale oo shicib ah oo uu ka mid ahaa wiil yar oo baaskeelad watay.

Bilaska RRU-da  aya goor maqrib-ku-dhawaad ah isku dayey inay caruur uu dhalay Axmed Jabaan xoog kaga kaga saaraan jago ay guri ka dhisanayeen taasoo keentay inay shiid kala kulmaan cruurti iyo dumarki halkaas joogay.Hasa yeeshee bilayska aya rasaas ay hoos u dhigeen ugu jawaabay iyagoo madaxa ka toogtay wiilka uu dhalay Mujaahid Axmed Jabaan oo isagu xiligaa qoyskiisa la generic viagra 100mg weeraray ku xidhnaa Saldhige dhexe ee bilayska Hargeysa ka dib marki cid sheeganaysa jagadii uu dhisanayey soo ashkataysay .

Ma jirto ilaa hadda wax baadhitaan ah oo xukuumaddu sameyso si loo ogaado sharcigana loola tiigsado cidii ka masuulka aheyd weerarkaasi lagula kacay dad rayid ah oon hubaysneyn . Hasa yeeshee wasiir-ku-xigeenka Daakhiliga u qaabilsan arrimaha Amniga Cabdi Camuud  oo idaacadda BBC-du dhacdadan wax ka weydiisay aya bilayska ugu garaabay rasaasti ay dadka la dhaceen taasoo uu ku tilmaamay inay is-difaacayeen.Waxa kale oon wali caddeyn oo ay masuuliinta amnigu qarinayaan cidii Axmed Jabaan jagada ku haysatay .

Taliyaha bilayska Cabdillaahi Fadal oo saraakiisha bilaysku ku xantaan inuu yahay taliyihi ugu liitay uguna musuqmaasuqa badna ee ciidanka bilayska Somaliland soo mara aya shalay mar uu ka hadlayey maxbuuska isagoon waxba galabsan uu askarigu ku toogtay qolki uu ku xidhna ee saldhiga dhexdiisa waxa uu ku timaamay ‘shil’,halka wasiir ku xigeenka Amniga oo isna  ka hadlay uu yidhi”bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay dhacdooyinka caynkan oo kale caalamka oo dhan way ka dhacaan”.Hasa yeeshee Cabdi Camuud iyo Cabdillaahi Fadal kamay hadal sababta uu ardayga shalay bilaysku toogtay uu 5 cisho saldhigga ugu xidhnaa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS